Soomaliland oo ka sastay Hadalkii,masuul reer Jabuti ihii ka sheegay saldhiga Berbera.

 

Soomaalidu waxa ay tidha ninka caydhin cunay calooshiisa ayuu ka shawqaba.
Taas waxaa,ka dhigan Soomaliland oo sas ka qaaday hadal u dhawaan u
masuul reer jabouti ihii,mar wax laga weydiiyay saldhiga military ee Imaaradka
Carabtu donayso inay ku yeelato Berbera,oo ah magaalo madaxda gobolka Saaxiil ee maamulka Soomaliland,u yidhi.
Masuulka reer Jabuuti,wuxuu, yidhi saldhig military,dalka aad u golaanaysid,marka
hore waa inaad xidhiidh diplomacy u idinka dhexeeyo oo ku leeyahay dalkaga
Safaarad ,si hadddii wax kaga yimadan cidamadda  aad ugala hadashid
safaaradooda. Hase yeeshee,Soomaliland,waxa ay u qaadatay in ay Jabuuti diidan
tahay saldhiga,oo waxaa arintas ka hadlay dhawr nin oo ka tirsan maamulka Soomaliland,
waxa ayna ku doodeen,maxay Jabuuti wax uga sheegayaan saldhigyaga,Jabutiba
waxaa saldhigyo kule intas oo waddanee.
Waa run,Jabuuti waxaa saldhigyo military kule,dalal badan oo ah kuwa ugu quwad
weyn dunida,sida USA ,France,Japaan,Spain,Germany, iyo China. Sobobta ay
saldhigyada ugu leeyihiin, muhiimadda waa   jabuuti  goobta ay ku taala iyo
muhiimada ay u leedahay bayacmoshtorka,dunida,iyo wax isdhafiska. Waxaa kale oo muhiim ugu tahay,waa dal ay ka jirto nabadgelyo taam ah oo la isku hallayn
karo,iyo dhaqaale degan.
Gabagabadii,waxaan odhan lahaa,walalaha saska ka qaaday,hadalkii ka soo baxay masuulka reer Jabuti,ha u qadnina mid laga soo hore jeedo Saldhiga ee u qaata qayb ka mid ah hanaanka aduunku u shaqeeyo wali aad u bahaan tihiin.
Qore:H.M.Warasame