Madaxweyne Farmaajo oo siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Riyadh(SAWIRRO)

 

Madaxweynaha  Jamhuuriyada Feedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Riyadh.Madaxweynaha ayaa waxaa maamuus qaran loogu sameeyay qasriga boqortooyada Sacuudiga ee Al-Yamamah ee magaalada Riyadh.Madaxweynaha waxaa si rasmi ah uqaabilay boqorka Sacuudiga boqor Salmaan bin Cabdulaziiz,waxaa sidoo kale kulanka xaadir ahaa dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudiga ahna wasiirka arimaha gudaha amiir Maxamed bin Naif bin Abdulaziz iyo badhasaabka gobolka Riyad.Madaxweyne Farmaajo ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidanka boqortooyada waxaana  loo garaacay heesta astaanta qaranka.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii la socday ayaa soo dhaweyn kadib qasriga boqortooyada loogu sameeyay qado sharaf iyadoo qada sharaftan ay kasoo qeyb galeen amiiro dhowr ah.

Wasiirka arimaha dibada boqortooyada Sacuudiga ayaa kulankii munaasabadii qada sharafta kadib madaxweyne Farmaajo ku booqday halka la dejiyay waxa ayna labada masuul ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo arimaha gobolka.

Waa booqashadii ugu horaysay ee rasmi ah ee madaxweyne Farmaajo uga baxo dalka tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya.Hoos ka daawo sawirada oo aan ka soo xiganay wakaalada wararka ee Sacuudiga.riyaad1riyaad2riyaad3riyaad4riyaad5riyaad6riyaad7riyaad8riyaad9riyaad10riyaad11riyaad12