Ra’iisal Wasaare Kheyre oo deg deg iska Casilay Maamulka shirkadda Soma Oil and Gas

 

 

Ra’isul wasaaraha cusub ee Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa iska casilay shaqadii shirkadda Soma Oil and Gas oo fadhigeedu yahay dalka Britain wax yar ka dib markii saaka Madaxweyne Farmaajo uu u magacaabay xilka raisul wasaarenimo.

Xassan Cali kheyre ayaa ahaa agaasimaha fulinta shirkadda Soma Oil and Gas ee Afrika.

Ra’isul wasaaraha la magacaabay ayaa sidoo kale la baxay saami dhan laba milyan oo dollar oo uu ku lahaa shirkadda Soma Oil ee ka shaqeysa sahminta iyo baarista shidaalka.

War saxaafadeed ay soo saartay shirkadda Soma Oil and Gas ayaa waxaa ay ku sheegtay in Xassan Cali Kheyre uu iska casilay xilka agaasimaha shirkadda ee bariga Africa, markii saakay loo magacaabay ra’isul wasaaraha Soomaaliya isla markaana uu la baxay saamigiisii shirkadda.

Xassan Cali Kheyre ayaa si rasmi ah u noqon doona raisul wasaaraha Somalia marka uu codka kalsoonida ka helo baarlamanka Somalia.

HOOS KA AKHRI QORAALKA SOMA OIL EE IS CASILAADDA HASSAN KHEYRE

RESIGNATION OF HASSAN KHAIRE ON HIS APPOINTMENT AS PRIME MINISTER OF SOMALIA

 

Resignation of Hassan Khaire on his appointment as Prime Minister of Somalia

Soma Oil & Gas (the “Company”) announces the resignation of Hassan Khaire, our Executive Director for Africa, so he can accept the honour of serving his country of origin, Somalia, as its Prime Minister. Mr Khaire has resigned from the Board and has relinquished all his shares in the Company.

Hassan Khaire has been a highly valued member of its management team but we fully understand his decision and wish him every success in his new role.

Mr Khaire has worked with the Company since its inception in 2013 and prior to that worked as the Director for the Norwegian Refugee Council for Somalia and East Africa. The Somali people and the President have an exceptional person as their new Prime Minister.

Lord Michael Howard of Lympne, Chairman of Soma, said:

“Although we will miss Hassan’s wise and knowledgeable participation on the Board, we are delighted that his dedication to Somalia and his contribution to the recovery of his country is being recognised. We wish him great success in his role as Prime Minister of Somalia.”

Richard Anderson, Chief Executive of Soma, said:

“I congratulate Hassan on his appointment as the Prime Minister of Somalia. His outstanding character and sense of duty makes him eminently suitable for this important position.”