Gobolkan loo bixiyay Salal,ayuu Godob ka galay?

 

Godobta bani’aadam laga galo,waa laga doodda ama,waa laga heshiiya ama waa laga
heshiiin waayaa,ee godob laga galay gobol sidee ugu haboon oo wax looga qabta, karaa?
Ayaase ka masuul ah; aniga waxay ila tahay waxaa ka masuul ah madaxweyne A.M.Silaanyo iyo kuwi ka horeeyey.
,gobolkani in la baabiyo oo laga xayiro in ay doorasho ka dhacdo,iyo in
in la baabiyo oo laga xayiro in u Horumar gaadho,iyo in laga xayiro in diwaangelin laga sameeyo.),waxaana loo qaybsaday gobolkii,sidan,magaaladdii
Lughaya ee ahayd magaalo-labadkii gobolka Saylac,waxaa la raaciyay gobolka
Borama,lixdii degaan,ee kala ahaa Ceel-la-helay,Cabdi Geedi,Damasha,iyo kuwa
kale lagu mormay’yo oo beel kale,damac siyaasadeed kale dagaal ka rideen,si aan looga soo dooran xildhibaanadii qabiilka Ciise. Beelaha Ciise iyo Sacad  Muuse deris ayay ahaan jireen, waligood,isman diidi jirin,ee kuwa siyaasiin isku
sheegaya ayaa raba inay colaad ka  dhex aburan.
Hadda waxaan si gaar ah ula hadlayna,madaxweyne A.M.Silaanyo,oo og abaalkii
ay beeshu u gashay mar u aad ugu baahna.Waxaa kale oo u ogyahay Silaanyo
wixii taliskii Faqashka ahaa, u geystay beesha.Gumayaasha ilaa hadda qaxootiga
ku ah Inacsaamo,Holhol, iyo Cali Cade dalxiis uma tagin,ee  waa taageeraddi
iyo is garabtaagii  ay ku ku siiyeen,walina la isma weydiin sidii dib loosoo celin lahaa dhulkoodii.Iska daa in dib-u-dejin loo sameeye,dhulkoodi ayaa la qaybsaday.
Su’aasha aan weydiinayno Madaxweyne Silaanyo, sobobta qabiilkas sidas loogu
galay.Somaliland waxaa dega 5 ilaa  6 qabiil,mana jirto qabiil kale oo degaankeedi
la qaybsaday ama diwaangelin  iyo doorasho laga xayiray maxaase looga jeeda
ayaase lagu colaadinaya.Dhulkani inuu yahay degaan Ciise,waxaa marqaati furay
wasiirkii hore Mudane Duur,Suldaanka guud ee qabiilka Isaaq Moxamad A/qadir,iyo mudane Cali Moxamed Yusuf (Cali Guray).
.
2005tii,markii laga xayiray inay doorasho ka dhacdo,degaanadii laga soo dooran
lahaa,xildhibaanaddii qabiilka Ciise  golaha wakiiladda,ilaa haddana sidii uga
maqan yihiin,lamana garanayo sidii u hawlgalo gole  u qabiil dhani ka maqan.
yahay.
Waxaan ku gabagabaynayaa,madaxaweyne A.M.Silaanyo,waa inuu caadeeyo
sobobta ay ku timid arintani,si degdeg ahna wax uga qabta.
Qore:H.M. Warsame.