Qabalaha Malkaa Qaro Ayaa la sheegay in waxbarashada caruurta iyo kuwa dadka waawayn kor loo qaday iyado lala xidhiidhinaayo hawlaha Hawlaha daryeelka Deganka

 

Qabaahan oo ay ku noolyihin 745 qoys ayaa waxay bulshadu tahay bulsho xoolo dhaqato beeralay ah waxaana la sheegay in caruurtu ay hada kahor ay waxbarashada ku fiicnayn maadama oo ay iman jirin dugsiga sababto ugu wacnayd  shaqooyinka ay u hayaan qoysaskooga sida Xoola raaca iyo wixii la mid ah.

Mudane masfin  gamaju oo ah maamulaha dugsiga qabalaha Magaalada taarrikhda faca wayn leh ee jaldaysay ayaa sheegay in dhinacyada waxbarashada ay kor u kacday inta uu hawlahani daryeelka deeganku uu socdo waxaana uu intaasi ku daray ardayda gabdhaha ah in ay waxbarashadooda sii wadan karayn mararka qaarkood maadaama sida u sheegey horey loo  guursado tasina waxay hoos u dhigaysaa ardayda gabdhaha ah.

Mudane masfin ayaa intasi ku daray in sanadi aan soo dhaafnay ee 2008 ay ilaa 20 gabdhod ay guur dartii waxbarashadoodi uga tageen guur darti taasina kadib marki ay qaadeen abaabul balaadhan oo wacyigalin ah waliba intan ay socdaan hawlahani daryeelka deeganku in ay bulshada gaar ahaan walidinta dhalay ardaydan qabalahani ay caruurtooda u soo diraan dugsiga taasina waa laga midho dhaliyay sanadkana ma jiraan gabdho guur dartii waxbarashada uga tagay.

Dhanka kale wuxu ii sheegay in ay waxbarashada dadka waawayn ay kasocoto qabalahani 5 goobood iyado laba darajo loo  kala saaray si ay iskula jaan qaadan waxaana uu intaasi ku dary in ay hawshani suura galisay hawshini horumarineed ee ay bulshadu ka wadaan deegaankooda.