Golaha Wasiirada cusub oo 80% ka imaan doona banaanka Baarlamaanka (Warbixin)

 

 

March 1 (Xeernews24)

Warar si aad ah isu soo tarayay maalmihii la soo dhaafay ayaa sheegaya in xubnaha Golaha Wasiirada ee lagu wado in dhowaan la soo magacaabo ay noqon doonaan kuwo ka yimaada Banaanka Baarlamaanka.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiye Jawaari iyo Ra’isul-wasaaraha magacaaban, Xasan Cali Kheyre isla qaateen Istaraatijiyadda Xubnaha Golaha Wasiiradda ee la soo dhisi doono.

Madaxdu waxay is-hoga tusaaleeyeen in loo baahan yahay in inta badan Wasiirada Cusub ka yimaadaan bannaanka, halkii horey Xildhibaanadda BFS looga soo dooran lahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku taliyey in la kala jiheeyo Xildhibaanadda BFS iyo xubnaha Golaha Wasiiradda, si aan Xildhibaanadda loo saarin culaab Maamul iyo inay isku qabtaan xilalka Wasiir iyo Xildhibaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka  Prof. Jawaari ayaa u riyaaqsan Taladaasi, wuxuuna had iyo jeer ku baaqi jirey in Xildhibaanadda u Khaas noqdaan Sharci-dejinta iyo Hawlaha culus ee Barlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiye Jawaari iyo Ra’isul-wasaaraha magacaaban, Xasan Cali Kheyre ayaa isla qaatay in 80% xubnaha Wasiiradda Cusub ka yimaadaan meel ka baxsan Xildhibaanadda BFS, si loo helo Shaqo Hufan iyo Isla-xisaabtan Joogto ah.

Warar Loo-qaateen ah ayaa sheegayo haddii ay Xildhibaanadda BFS berrito codka Kalsoonida siiyaan Raisul-wasaare Kheyre inuu soo dhisi doono Xukuumad ka kooban 15-Wasiir iyo Wasiiro-dowlayaal kooban.

Si kastaba ha ahaatee, Tirada Wasiiradda cusub haddii la badiyo ama la yareeyo, waxaa lagu khasban yahay in lagu saleeyo Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha Soomaaliyeed ee Habk marjaca u noqday Dowladihii isaga kala dambeeyey Talada dalka tan iyo sannadkii 2007-dii.