Madaxweyne Geele oo Fransiiska looga Yeedhay waana soo dhaweynti ugu meeqaam saraysay ee Fransiisku ku soo Dhaweeyo Madaxweyne Afrikaan ah iyo sababto oo aan wali kala Cadayn.

 

Madaxweynayaasha labada dal ee Djibouti iyo Fransiiska Mudane Ismaacill Cumar Gelle iyo François Hollande ayaa ka wada hadlay horumrinta xidhiidhka labada dal,iskaashiga dhinacyada badan leh ee ay wadagan iyo xaalada iminka ka taagan mandiqada Geeska Afrika iyo Bariga dhex.

Labada Madaxweyne oo kulan ku yeeshay magalada Paris, ayaa la sheegay  inay isla soo qaadeen arrimaha Soomaaliya iyo isbedelka siyaasadeed ee ka dhacay,waxaana kulunkaasi ka qeyb galay Wasiirada Arrimaha dibadda ee labadaasi dal Djibouti iyo Fransiiska.

Labada Madaxaeyne waxay ku heshiyeen  in la xoojiyo  tababarada dhanka Ciidamada ah ay wadagaan gaar ahaan kuwa  Fransiiska ka jooga dalk Djibouti oo ay tababaro siinayaan Ciidamad Qalabka sida ee dalka Djibouti.

Madaxweynaha Fransiiska François Hollande ayaa soo hadal qaday doorka Jamhuuriyadda Djibouti ay ka qadato la dagaalanka waxaa loogu yeedho Argagixisada iyo dadaalka ay uga jirto nabad ka aslaxinta iyo sugida amniga wadamada Geeska Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto.

Wuxuuna Madaxweynuhu si gaar ah farta ugu fiiqay kaalita Ciidamada Nabad ilaalinta Djibouti ee Amisom ee jooga Soomaaliya ay ka qaataan nabadda Soomaaliya.

Warar qarsoon ayaa sheegaya in madaxweynaha Djibouti laga Hadlay arinta ku saabsan xuduuda u dhaxaysa Djibouti iyo Erytreeya oo ay dawlada ka cadhootay qabka ay dawlada Franssidku u dhaawacday heshhiski difaaca ee u yaalay laba dal.

Geesta kale waxay labada Madaxweyna ka hadla xaquuqal iinsaanka iyo xoriytalqawlka oo ay dawlada ku tumatay.