Qatarka kaga iman karta Soomaalia oo dhan saldhiga militeri ee UAE ka rabto Berbera.

 

Intii aanad Falin ka fiirso,waa hal-ku-dheg,looga jeedo,wax kasta oo aad
 rabtid inaad samayso,waxii dhibaato ah ee  kaga iman kara ka taxdir. Ula-
 jeedadu waxa ay,saldhiga militeri oo UAE ku yeelato Berbera oo ah dekadda
 kaliya ee ummadda somaliland ku tiirsan yihiin.
Horta saldhig militeri wuxuu faa’iido oo u leeyahay,muxuuse dhibaato ah u
leeyahay?; aan ku horreeye,dhibaatadda u leeyahay waa awood uma yeelan
kartid qaybta dhulka ay degan yihiin inaad kontrooshid,tagina kartid.Inay la
yimaadiin dhaqano xun-xun,oo ay ku aburan gaar dadka u shaqo taga. In ay
cirka isku shareerto meceeshadu,waayo,waxa ay haystan dhaqaale fara badan
oo ay ku falisan shacabka xaga wax iibsiga.
Faa’iidadda u leeyahay,saladhiga militeri,waa haddii u ka socdo dalalka awoodda
leh ee loo yaqaan kuwa horowmaray,tababarro ay tababaran ciidan kaaga,iyo
qalab militeri oo ay ka helan ciidankagu. Hase yeeshee, waxa la isku wafaqsan
yahay inusan fiicnayn saldhig militeri waxkastaba ha ahaade.
midda kale saldhigan militeri ee UAE doonayso inay ka samaysato Berbera, sharici
ahaan sideebu ku yahay,waayo,Soomaliland wali ixtiraaf ma helin,xidhiidh Diplomac oo adagna kama dhexeeyo UAE iyo Sl,waana su’aasha qofkasta isweydiinayo.
Waxaa kale oo aan iska dhegatiri karin,UAE,waxa ay ka mid tahay isbahaysiga
dalaka khaliijka ee dagaalka kula jira ururka  dagaalyahaniita Xuutiyiinta.
Sidas darteed,saw ma noqnayso inay Soomaalia dhamaanteed,ka mid tahay isba-
haysiga khaliijka,sidas awgeedna dagaalku soo gaadho Soomaalia