Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay gaadhi walxaha qarxa lagu raray + Sawirro

Taliska Ciidamada ammaanka ah ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay war ka soo saareen Gaadhi Walxaha Qarxa siday oo dhowaan lagu qabtay Duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Gaadhigan siday Walxaha Qarxa ayaa nuuciisa waxa uu ahaa nuuca Soomaalida ay u taqaano Candha-meedlaha, isagoo isaga kala gooshi jiray Magaalooyinka Boosaaso iyo Beledweyne, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Taliska Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa waxa ay sheegeen baadhis kadib in la ogaaday in Gaadhigaasi waday Walxaha Qarxa la doonayay in lagu Qarxiyo shacabka Puntland.

Dhanka kale Saraakiisha ammaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen Howlgallo laga sameeyay Degaanada Camaara iyo Bacad-weyn ee Koonfurta Gobolka Mudug, waxayna sheegeen in ay ku bur buriyeen saldhig halkaasi ay ku lahaayeen Shabaab.