Ninka G/miyaha u ah xisbiga Ucid,waa Faisal C.Waraabe wuxuu soo bandhigay sidan.

 

Ninkan oo Had iyo jeer kasoo muuqday tvyada,kana hadla waxyaabo fara badan
oo aan sidasba u qiimo badanayn,isaga oo la hadlaayay dad aan u malaynayo
inay xisbigiisa ahaayeen,wuxuu soo bandhigay,waxa isaga uun ku eeg.Wuxuu
u qaybiyay qabiiladda dega Soomaliland awoodaha maamulka,hase yeeshee,aan
ahayn awood-qaybsi micnaleh oo lagu qanci karo.
Wuxuu yidhi Habarjeclo waligeed xisbiga madax ha ka ahaadan,
Harti G/Ku/xigeenka golaha wakiiladda ha ahadaan,
Arab gudomiyaha golaha gurtida
ha ahaadaan,
Ciisuhu G/ku/xigeenka sedexaad ee golaha wakiiladda ha ahadaan.
.Horta bal marka horaba waa in la saxaa,kuraasta golayaasha oo ilaa laga soo
bilaabo 1960kii,dhan u foorara,walina u baahan in si caddaalad ah loo qaybsado.
Sobobta looga hadli waayay 1960kii,waxa ay ahayd,waqtigaas micnno uma lahayd
ummadda Soomaaliyeed,awood-qaybsi iyo wax la mid ah,waxa kaliya ee waqtigaas
la rabay wuxuu ahaa,in gumaysigii la baxo, shantii Soomaaliyeedna la iskugu keeno
calan mid ah.
.
Faisal Cali Waraabe,sida u isagu isleeyahay,waa ay ku hagaagsan tahay waa
qalad,waayo,Habarjeco,iyo Arab wuxuu ka dhigay qabiillo,mana aha ee waa
beelo,ka tirsan qabiilka Isaaq,qabiilka Harti iyo qabiilka Ciisena wuxuu ka dhigay
beelo. Waxaan filaya inuu maskaxda u haysto hadaladda odhanaya degaanadda
Soomaliland waxaa u badan qabiilka Isaaq.,Ciisena wuxuu badan yahay Itoobia.
Wuxuu ilawsan yahay inay Soomalidu boqolkiiba 75% waa reerguraa,marba meeshii roob ka da’o u guura:haddii runta la sheego,qabiilka Isaaq beelo ka mid
ah waxa ay,gaar ahaan beelaha GARXAJIS iyo beesha Sacad Muuse,waxa ay
degaan Itoobia.,intooda badan.
Marka hore kuraasta golayaasha si caddaalad ah loo qaybsado, awoodda
maamulkana la qaybsan kara.Hadda madaxweynihii ,dalka gudomiyaha Guurtida
iyo gudomiyaha golaha wakiiladda hal qabiil baa ku fadhiya,kuwa u sharaxan
jagadda madaxweynahana waa hal qabiil.
Faisal Cali Waraabe,wuxuu kale oo ilawsan yahay,awood-qaybsiga maamulka
ma’ah oo kaliya labada gole,ee waa shaqalaha wasaradaha heer kasta iyo
madaxda ciidamdda ha ahaadeen militerika iyo Booliska. Su’aasha kale ee aan
su’aalayo Faisal waxa weeye,  qabiilka Ciise ee degaanadoodii laga xayiray
doorasho,iyo diwaagelinba,sideeby awood-qaybsi kuula yeelan karta?.
Qalinkii:H.M.Warsame.