Ceel uma godna,ceelalyana uma maqna.

 

Bismilaahi Raxmaanaraxiim,
Marka hore,waxaan salamaya ummadda
islamka ah,gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed,waxaanan ugu ducaynayaa
inuu ilaahay ku toosiyo dariiqa xaqa ah,Aamiin.
Marka labaad,hal-ku-dhega kor ku qoran,waxaan ulajeeda Kaluumaysatadda
Saylac ee ka cabanaya dhibaatooyinka ka haysata,sidii ay badda wax  ugala
soo bixii lahayeen,si ay nolol-maalmeedkooda uga heli lahayeen.Cabashadoodu
ma aha bilaw hadda,ee mid taagan ah,hase yeeshee,kuma dhicin dhegaha kuwa
maamulka madaxda ka ah.
Sida ay sheegayaan,qalabka ay u baahan yihiin,in loo dhigo,waxaa ugu dambay-
say xukumaddii militeriga ahayd,suurtagalna ma aha in qalabka waqtigaas la
dhigay inuu waqtigan shaqeeyo,waxa ayna u baahnayd in loo cusboonaysiiyo,
Sida qaalibka ah,dawladuhu wax ay muhiimadda siiyaan wiixii taabanaya nolosha
shacabka ee ayna ka maarmayn. Shacabka degan Saylac,waxa kaliya ee ay ku
tirsan yihiin noloshoodda waa kaluumaysiga,waayo,gobolka ka jirto hay’adu kale
oo loo shaqo tago,sidas awgeed,maamulka somaliland waa inuu si hoose u fiiryo
arimohooda.
Waxyaabaha ay ka cabanayan,waxaa ka mid ah,1-Qaboojiyaashii ay kalluunka
lagu hayn lahaa inta aanan la iibgaynin2/-Qalabka dayactirka laashshka.
Xummaanta waddooyinka ka haysata,sidii loo gaadhsiin lahaa suuqyadda.
Wax u qaqbad wanaagsan
Qore: H.M.Warsame