Diwaangelin la’aantii iyo ka xayiraadii doorashada degaanadda qabiilka Ciise.

 

Salaan kabacdi,
Waxaanan wali maqlin,waxa ay ku dhammaatay,iyo wiixii
Sobobay markii horeba,diwaangelin la’aantii iyo xayiraadi doorashooyinka
degaanadda qabiilka Ciise ee bariga degmadda  Lughaya.
Sida qaalibka ah,haddii maamulka dawladdu amar gaar ah ku soo rogto meel,
qusaysa shacabka dankastaba ha ka lahaatee,waa inay qanciso shacabka.
Shan iyo toban(15) sanno  ayaa laga jooga markii doorashada laga xayiray degaanadii laga soo
dooran lahaa xildhibaanada qabiilka Ciise,ilaa waqtigana ay ka maqan yihiin
golaha sharci-dejinta Soomaliland,diwaagelintii doorashooyinka soo socdana ee
laga joojiyey.
Soomaalidu waxa ay ku mahmahda,runtu raga ma disho ee way ka nixsa kaliya,
waxaan ulajeeda,haddii maamulka Soomaliland go’aan ku gaadhay inuu qabiilka
Ciise xaquuq ku lahayn dalka,waa in si rasmiya loo shaaciyo oo runta ciise loo sheego,haddii kale waa
inuu helo xaquuqdiisa,waxaana la xasuusan yahay,wararkii soo yeedhay ee
ahaa in dad kale la soo dejin doono degaanadas,iyagana la diwaagelin doona.
Go’aankii iyo gabagabadii Ciise wuxuu sugaya war kama dambays ah.
H.M.Warsame