Xidhiidhka Soomaaliya iyo Immaaraadka Carabta oo Noqday Xidhiidhkii Djibouti iyo Immaaraadka oo Kale.

 

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa u yeedhay Safiirkeeda u fadhiyay Soomaaliya Maxamed Cusmaan Al-Xamaadi, sababo ku aadan cabashada iyo dalabka dowladda Soomaaliya ee la xiidhiidha joojinta saldhiga Mialteri ee Imaaraadka Carabta ka dhisaneyso magaalada Berbera ee Maamulka Somaliland.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in imaanshaha Safiir Maxamed Al Xamaadi ee magaalada Abu Dhabi maalintii Sabtidii ee shalay uu ahaa Amar ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta.

Waxaa saacadihii la soo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in Imaaraadka Carabta ay bedeshay Safiirkeeda Soomaaliya, kaddib markii la ogaaday in Safiirka uu isaga tagay Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa iyana sheegtay in aanay waxba kala socon arrintan, isla markaana kaliya ka war-qabto in howlaha Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho uu yahay mid si caadi ah u socda.

Sidoo kale warar kale ayaa iyana sheegaya in sababaha Imaaraadka ugu yeedhay Safiirkeeda uu yahay inay bedel ku sameyso, ka hor inta aysan dowladda Soomaaliya ka soo saarin, ruqsad dalka looga saarayo (Persona Non Grada), kaddib markii Safiirka ku xadgudubay anshaxa diblomaasiyada, isla markaana fara gelin ku sameeyay arrimaha gudaha ee Soomaalida.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaaji uu ka codsaday dowladda Sacuudiga inay ka dhaadhiciso Imaaraadka Carabta inay joojiso dhismaha saldhiga Ciidan ee ay ka sameysaneyso Somaliland.

Xidhiidhka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa mugdi ku yimid, tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo Imaaraadka ay daneyneysay in Musharax ay taageersaneyd inuu xilka ku guuleysto, balse taa ma dhicin, waxaana dad badan rumeysan yihiin in damaca Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya uu caqabad ku noqday doorashadii Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ayaa si aad ah uga soo hor-jeesatay saldhiga Imaaraadka Carabta ka dhisaneyso garoonka diyaaradaha Berbera, taasoo ay u aragto arrin qatar ku ah Qaranimada Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta ayaa in muddo ah ku taameysay inay saldhig ka dhisato magaalada Dekeda leh ee Berbera, kaasoo illaa 208 KM koonfur ka xigtay marin biyoodka istiraatiijiga ah ee Bab el-mandab oo ku yaal dalka Djibouti kuna dhow Gacanka Cadmeed.