Dawladda Boqortooyada Ingriisku waxay qabtaa aragtida faderaaliga ah ee Somaliya oo ay ku jirto Somaliland

 

Dawladda Ingiriiska ayaa sharraxaad ka bixisey Tabaha ama siyaabaha ay Somaliland ku heli karto aqoonsi buuxa oo dhanka beesha caalamka ah isla markaana hoosta ka xariiqday in ay jiraan dalal badan oo dunida kamid ah oo danaynaya qaranimada Somaliland.Warbixintan kasoo baxday baarlamaanka dalka Ingiriiska oo lagaga hadlayey doorashada madaxtinimada Somaliya,mawqifka Somaliland iyo aragtida ay dawlada UK ka qabto aqoonsiga Somaliland isla markaana lagu baahiyey page-ka Internate-ka ku leeyihiin baarlamaanka Ingiriisku ee (“Http//:researchbriefings.files.parliamnet.uk/documents/CBP-7298/CBP-7298.pdf), waxa lagu sheegay in aanay dawladda Ingiriisku waqti xaadirkani diyaar u ahayn in ay kaligeed aqoonsato madax-banaanida Somaliland,sabab la xidhiidha dhinaca qawaaniinta caalamiga ah balse ay jiraan tabo kale oo u saamaxaya arrintaasi hadii ay raacaan.Haddaba warbixintani oo intii ka khuseysay Somaliland  aan soo turjunay waxay u dhacday Sida tan

“Somaliland umay diran wakiilo wada xaajoodkan hanaanka doorashada Cusub ee Somaliya.Sida xagga hore lagu sheegay Somaliland wax lug ah kumay lahayn amaba kama qayb galin habsami u socodkii doorashada Somaliya ee 2016-17 (S).Isku dayo diblomaasiyadeed oo la doonayey in lagu qanciyana lagama gaadhin wax guul ah. Waxa kale oo ay dhawaan dib u dhigtay doorashada oo ay mar horena dib u dhigtay ee madaxtooyada ee loo asteeyey Bisha March ee sanadka balse dib loogu dhigay ilaa bisha October ee 2017,sida ay rasmi ahaan sheegeena sababtu ay tahay abaar daran oo jirta awgeed.Laakiin beesha caalamku way dhaliishay xidhiidh lama filaan ah oo ay la yeelato, madaxwaynaha cusub ee Somaliyana waa mid aan la filayn inuu dhaco.

Dawladda Ingiriisku waxay taageero awood badan u ahayd madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.In kaste oo ay la wadaagaysay qaadhaan bixiyayaasha kale ee aan ku qanacsanayn hawl gudashadiisa oo aan kali ka ahayn musuqmaasuqa.

Dawladda Boqortooyo Midowday waxay qabtaa aragtida faderaaliga ah ee Somaliya oo ay ku jirto Somaliland taas oo ay dawlada Uk la leedahay xidhiidh fiican oo ku dhisan iskaashiga horumarka la dagaalanka argagixisada iyo arrimaha budhcad badeedka.Laakiin aan aqoonsanayn una aqoonsan doonin sidii dawlad madax banaan.

Dawladda Uk waxay dhiiri galisay wada hadalo toos ah oo dhex mara dawlada Faderaalka Somaliya iyo dhiggeeda Somaliland sanadahani.Guud ahaanba siyaasadda UK maaha inay taageerto gooni u goosadka ee ka jira wadamada dunidu aqoonsan tahay .
Siyaasaddani waxay salka ku haysaa  mawqifka qaramada Midoobey ilaa intii la aasaasay ee ka dambaysay dagaalkii 2-aad ee dunida,hase’yeeshee waxa jira meelo yar yar oo ka baxsan mawqifkani.

Waxa kamid ah meelaha aan ka jirin meelahaa ay aqbaleen dhinacyadii isku dalka ahaa, caadi ahaana inay si nabad ah u kala baxaan sida koonfurta Sudan Iyo Eriteria.

Waxa kale oo kamid ah meelaha aan ku jirin meelaha qarankii (Dalkii) lumiyey sharciyadiisii (Dalnimo la aqoonsanaa) marka lagu eego indhaha beesha caalamka oo ay ku jirto UK.( dalal badan ayaa kasoo dhex baxay dalkii hore loo odhan jire Yugoslavia).

Marka ay noqoto in UK ka caawiso somaliland inay aqoonsi hesho marka hore waxa loo baahan yahay inay siyaasaddaasi  qaadato Somaliya,amaba aragtida ay u aragto in qaranka (Dalka Somaliya) lumiyey  sharciyaddiisii . Dawlada UK aadbay ugu adag tahay inay kaligeed tallaabadaasi qaadato.taas oo macnaheedu yahay inay kala aragti tahay saaxiibadeeda kale ee dunida sidaasi ay la qabaan.Qaadista talaabadaasi ee xilligan waxay maax duminaysaa aragtida maraykanka iyo midowga Yurub ee kale.

Waxa jira qaar badan oo beesha caalamka kamid ah kuwaasi oo u hanwayn doonista madax banaanida ee Somaliland Laakiin waxay u muuqdaan qaar sugaya in waddan ka mid ah midowga Africa uu bilaabo talaabadaasi.