Ansixinta golaha wakiil goboleedka SL ee S/M ee UAE ka samaysanayso Berbera.

 

Ummadda Soomaaliyeed meelkasta ha joogtee,waa ay ka soo hor jeesatay Saldhigan  Imaraadka Carabtu
rabto in ay ka dhisato Magaalo xeebeedka Berbera,iyada oo ka eegaysa dhinacyo badan. Marka hore UAE
waa dal carbeed oo yar oo ilaahay ku mannaysatay shiidalka,kaasoo ay ka helaan hanti badan,hase yeeshee
aanan lahayn wax  kale oo ka baxsan shiidaalka. Waa dal ka tirsan dalalka isku yidhahdo dunida sedexaad.,
Waa dal aan lahayn awood militeri oo uu ku hungureeyo Saldhig militeri inuu dal kale ku yeesho,hase yeeshee
ay  iska caddahay iinuu dal kali dabada ka riixayo.
Ummadda somaliyeed,waxaa u muuqda  qatarta amaan darro ee ku soo foole,ee kaga iman karta dagaaladda
lagu hoobtay ee ka socda Yeman ee u dhaxaysa isbahaysiga khliijka iyo ururka dagaal yahaninta Xuutiyiinta oo
si dhibyar ugu soo gudbi karta  dalka Soomaaliyeed.
Inkasta oo aan odhan karin waa sharci heshiiska ku sabsan Saldhiga ee dhex maray Somaliland iyo Imaraadka
Carabta,sobobta oo ah Somaliland ma ah dal la ixtiraafsan yahay wali,haddana waa Saldhig  si riqiis ah la rabo
in lagu bixiyo. Malah madaxda maamulka Somaliland,waxay filayaan inay ixtiraaf u horseedi doonto ogolansha
Saldhigan.Ixtiraaf  dariiqa loo maro iyo sida u ku iman karo,wax badan baa laga hadlay,waana iyada oo dawladda
Feederaalka ee Soomaalia ogolaato gooni isku taaga Somaliland. Shuruudaha lagu kala gu’i karo ma buuxinayso
somaliland,sida marar badan la caddeeyey. Waxaa mataal loo soo qata dalalkii  la odhan jiray,Yugoslavia,
Jogoslavia, iyo Suudanta konfureed. Suudanta konfureed waxa ay ka goday dal Islam ah.,hase yeeshee labada
dal ee kale ayaga ku heshiiyey in kala go’aan.
United Kindom(UK) oo,ah dalkii gumaysan jiray Somaliland,wuxuu ku taliyey in ixtiraafka Somaliland ku xidhan
yahay dawladda Feederaalka Somalia,ee usan ku xidhnayn meel kale. Waa in Somaliland iyo Soomaalia wada
fadhaystan,oo si walaalnimo ah loo wada hadlo.ee ma ah in lagala dudo. Go’itaanka Soomaliland waxa keenay
wuxuu ah siyaasaddii taliskii macangag ahaa ee Siyad Barre,iyo xasuuqyadii uu u geystay ummadda SL,ee
shacabka Soomaalia dhibaato um geysan Somaliland.
Gunaanadkii iyo gabagabadii,Ixtiraafka Soomaalia ha laga doono.
Qore.Warsame