Carabay Laba daran mid uun dooro: Israel ama Iiraan.

 

Laba arrin siyaasadeed oo ay tahay in ay sida ugu dhakhsaha badan u kala doortaan, ayaa haatan miiska u saaran waddamada carabta, gaar ahaan Khaliijka.

Midi waa cadowga carbeed ee soo jireenka ahaa, Israel, waxaana carabta si adag ugu cadaadinaya inay wada shaqayn la sameeyaan dalka Maraykanka oo ah saaxiibkooda ugu muhiimsan. Kan labaadi waa inay doortaan dawladda ay mar walba mucaaradka isku yihiin ee ay xintamaan, waa Iiraane, oo ay waxyaabo badani ka dhexeeyaan sida darisnimada, dhaqanka iyo diinta intaba.

Doorashada ay carabi samayso markan waxa ay noqon doontaa mida lagu jaan-goyn doono, mustaqbalka dhinacyada ammaanka iyo horumarka ee carbeed.

Bishii Febraayo 15keedii madaxwaynaha maraykanka Donald Trupm ayaa aqalka cad ku qaabilay Ra’isal-wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Kulanka kadib shir jaraa’id oo ay si wada-jir ah u qabteen ayay ku muujiyeen sida loogu baahanyahay in lagu soo dhawaado wada shaqayn dhex-marta carabta iyo Israel.

Dhowr bari kadib, wasiirka Arrimaha dibedda ee Iiraan, Mohammad Javad Zarif, ayaa mar uu ka hadlayay shirkii Amniga Munich, mar kale ku celiyay soo jeedintii dalkiisa ee ahayd, in la abuuro madal wada-tashi oo ay yeeshaan dawladda Iiraan iyo waddamada dariska ah ee ay wadaagaan gacanka Beershiya

Soojeedinta Maraykanka iyo Israel, waxaa soo hoos galaya dhammaan waddamada carabta oo ay ugu horeeyaan, Sacuudiga, Imaaraadka iyo dhammaan xubnaha iskaashiga Khaliijka, sidoo kale Masar iyo Urdun. Waxay xitaa saamayn ku yeelan waddamada Lubnaan iyo Tunisia.

Ujeedada ugu muhiimsan ee soo jeedintani waxaa weeye in la hir-galiyo heshiis nabadeed oo dhex mara Carab iyo Israeil, iyo in la soo af-jaro shaqaaqada soo abtirsatay ee u dhaxaysa Falastiin iyo Israel. Nuxurka ku duugan heshiiskan ay ku dhawaaqeen marakaykanka iyo Israel ayaa ah in la iibiyo cabsida ay carabta iyo israelba ka qabaan dawladda Iiraan, taasi oo ka dhigan in ay leeyihiin hal cadow, sidaa daraadeed ay u midoobaan.

Netanyahu, ayaa isaga oo arrintaa sii adkaynaya shirka jaraa’id ku yidhi ‘’waa markii koobaad ee aan noloshayda arko, isla markaana waa markii ugu horaysay inta ay jirtay Israel, ee ay dhammaan waddamada carbeedi aaminaan, halkii ay Isra’el u arki jireen cadowgooda, ay si isasoo taraysa u arkaan xulafadooda’’ isaga oo hoosta ka xariiqay in qorshaha ay wadaan isaga iyo Trump uu yahay fursadda ugu wayn ee ay tahay inay ka faa’iidaystaan, si ay dhiig cusub u galiyaan xidhiidhka u dhexeeya iyaga iyo carabta, marka laga hadlayo dar-dar galinta helitaanka nabad waarta oo lala galo Falastiin.

Dadka u kuur-gala arrimaha siyaasadda bariga-dhexe ayaa tilmaaya in qorshaha Trump ee ku aadan xasaradda Bariga-dhexe aysan ahayn mid wax u soo kordhin doonta Israel.
Trump iyo Netanyahu, ayaa inkasta oo aan bannaanka lasoo dhigin, ka dab-qaadanaya, kulamo qarsoodi ah oo sanadihii u dambeeyay soo dhex-maray Israel iyo dawladaha iskaashiga Khaliijka, sida ay war-bixino kala duwani horay u tilmaameen.

Kadib markii ay is biirsadeen aragtida laga dhaxlay madaxwaynihii hore ee Maraykanka Barack Obama, ee odhanaysay in uu Maraykanku ciidamadadiisa kala baxayo Khaliijka gaar ahaan Ciraaq, iyo damaca uu il-adaygu ku dheehanyahay ee ay Iiraan la soo baxday ee ay sida awoodda badan ugu dhex jimicsatay Bariga-dhexe kadib dhaqan-galkii heshiiskii neuclearka ee 2015kii, ayaa waxaa soo laba-kaclaysay cadaawadii soo jireenka ahaan jirtay ee u dhexaysay carabta iyo beershiyiinta. Waxaanay albaabka u furtay in carabtu ay ku qanacdo inay jiraan dano si wada jir ah uga dhexeeya iyaga iyo Israel, waxayna sii xoojisay ka wada xaajoodka iskaashi shex mara labadooda oo ku jihaysan Iiraan.

Isra’el ayaa sideedaba Iiraan u aragta cadowgeeda koobaad, kadib markii ay Iiraan la garab istaagtay taageero aan geed loogu soo gabanin, Xamaas iyo Xisbul-Islaam, isla markaana ay bilowday inay horumariso gantaaleheeda riddada dheer isla markaana xambaari kara niyukleerka, iyo in ay ugu dambaystii ku howlantahay samaynta hubka wax gumaada ee niyukleerka.

Dhinaca kale inkasta oo rajada laga qabo in la caadiyeeyo xidhiidhka u dhexeeya carabta iyo Iiraan ay aad u yartahay, waxaan haddana la inkiri karin, in qadiyadda mustaqbalka rer-falastiin, aysan kaliya ahayn mid midaynaysa Carabta iyo Iiraan, ee ay isku meel kasoo jeedinayso dunida Islaamka oo dhan. Waxaana muuqata in hindisaha nabadaynta Falastiin ee Maraykanka iyo Israel ay wadaani aanu lahayn qeexitaan lagu qanco oo dhab ah, isla markaana aan rajo badan laga qabin in uu xagooda ka dhaqan galo.

Hadii uu maraykanku ka dhabeeyo qorshihiisa ah in uu safaaradiisa u raro Qudus, isla markaana aanay culayska saarin in ay hakiyaan dib u dajinta yuhuuhadda lagu siinayo dhul carbeed, waxaa iska cad in aanay carabi ku deg-degi doonin wadashaqayn dhab ah oo ay la sameeyaan Israel.

Iiraan, ayaa iyada oo ka faa’iidaysanaysa kani-adayga Israel, iyo jahawareerka haysta carabta bariga dhexe, waxay la soo deg-degtay hindise lid ku ah kan Maraykanka iyo Israel oo lagu abuurayo madasha wadatashiga dawladda Iiraan iyo carabta ay wadaagaan gacanka Beershiya.

Ujeedada ugu muhiimsan ee ay Iiraan ku sheegtay samaynta madashan ayaa ah, in la xakameeyo xurgufta siyaasadeed ee labada dhinac islamarkaana la abuuro iskaashi ka tarjumaya in lagu wada noolaado darisnimo wanaag.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Iiraan Zarif, ayaa isaga oo isticmaalay murtida odhanaysa ‘’dooro dariskaaga, gurigaaga ka hor’’, wuxuu booqashooyin ku kala sameeyay dalalka Qadar iyo Kuwait. Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuwait ayaa 24kii January, booqasho uu ku tagay Iiraan, kula yeeshay kulan ay albaabadu u xidhanyihiin, madaxwayne Xassan Ruuxaani. Lama oga waxa rasmiga ah ee ay ka wada hadleen, laakiin waxaa isla markiiba xigay booqasho rasmi ah oo 15kii febraayo, uu Ruuxaani ku kala bixiyay waddamada Kuwait iyo Cumaan, waana isla maalinta ay wada hadalka ku yeelanayeen Washington, Madaxwayne Trump iyo Netanyahu.

Waxaa la xaqiijiyay in uu socdaalka Ruuxaani salka ku hayay sidii loo dhaqan galin lahaa hindisaha Iiraan, kaasi oo xambaarsan masaalix badan oo ay kamid yihiin, in xal wada jir ah loo raadiya, dabka ka holcaya Yemen iyo Suuriya oo ay labada dhinac babiska u haystaan.

Gabagabadii, si kastaba arrintu ha ahaatee, ciyaarta siyaasadeed ee bariga dhexe ayaa haatan u muuqata mid u dhaxaysa Israel iyo Iiraan.

Hindisaha Iiraan ayaa u muuqda mid hadii ay carabi doorato bariga dhexe u horseedi kara deganaansho siyaasadeed, gaar ahaan marka laga hadlayo xallinta dagaalada sokeeye ee halaagga baday Yemen iyo Suuriya. Halka, uu hindisaha Israel iyo Maraykanku bansiin ku sii shubi doono dabka ka holcaya gayigaas.