Maxaa u dambeeyay darbiga dhul boobka Kiiniya wado: SAWIRO

 

Waxaa In dhaweyd socdey darbi Kiiniya ka dhisayso dhulka Soomaalida ee xadku sheega iyadoo dhulboob u socoto Kiiniya. Darbigaas ayaa maraya heer aan fiicnayn.

Wax ka yar 20-km ayaa illaa hadda laga dhisay derbigan kaa soo la gaadhsiinayo xadka labada dal oo dhererkiisu gaadhaayo illaa 700-km kaasoo ka bilaabanaya Mandhera illaa degaanka Kiunga oo ku yaalla xeebta gobolka Lamu.

Wararka ayaa sheegaya in derbigan uu hadda soo gaadhay xadka labada dhinac ee degmooyinka Beled xaawo iyo Mandhera.

Shacabkkii sida fudud isaga talaabi jiray labada dhinac ayaa si weyn uga walaacsan kala qeybinta derbigan uu sababay, iyagoo ku qasban hadda iney maraan koontroolada looga gudbo xadka ee ay joogaan ciidamada Kenya.

 

Dowladda Kiiniya ayaa sheegtay in derbigan uu ka celin doono weerarada ay gudaha dalkaas ka fuliyaan xoogaga Al-shabaab ee ka soo talaaba xadka Somalia.

Waxaa laga dhisayaa darbigan dhagax jaajuur ah, shub iyo biro aanan jab iyo duleel aqoonin, kadibna waxaa kor laga marinayaa fiilooyin danab ama koronto wata oo qofkii ama xayawaankii taabta ay maanso qabanayso.

Waxaa sidoo kale meelo isu muuqda laga dhisayaa koolbo-waardiyo , kadibna waxaa la saarayaa askar qoryaha shiishka wata oo illaalo ah, waxaana intaasi dheer kaamirooyinka CCTV oo lagu xidhayo derbigan si loola socdo dhaqdhaqaaqa xuduuda.

Waxaa dhismaha derbigan fulinaya shirkad Yuhuudu leedahay oo lagu magacaabo Magal Security Systems Ltd.

Dhaqaalaha ku baxaya mashruucan oo gaadhaya malaayiin dollar ayaa waxaa dowlada Kenya gacan ka siinaya dowlada Israa’iil oo saaxiib dhow la ah.

Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay iney saldhigyo ku leyihiin gudaha Kenya, waxaana dad badan ay shaki ka qabaan in derbigan uusan wax badan ka bedeli Karin amaanka Kenya.