Qaar ka mid ah war Baahinta reer Gabiley oo sumcadi Djibouti iyo tii seedigood ku ciyaaray
Gabiley News Online
Geelaha Jabuuti oo Ciidamadiisa ka aamin Baxey, Ehtiopiana qeylo dhaan u dirsadey.
Ciidamada Dalka Ethiopia ayaa saddexdii bishan ka gudbey soodinta ay Jabuuti dhanka Waqooyi-Bari kala wadaagto, sida u ku sheegey wageyska Africa Intelligence ee ka faalooda arrimaha siyaasada Afrikada Bari, cadadkiisii soo baxey 03-03-2017. Wargeyska ayaa sido kale sheegey in ciidamadan ay Jabuuti ku soo galeen dalab ka yimi Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaacill Cumar Geele, isagoo ka cabsi qaba xasilooni darro ay abuuran Maleeshiyaadka Jabhada Qoomiyada Canfarta ee FRUD(Front pour la Restauration de l’unité et de la Démocratie). Wararka ka imanaaya Waqooyiga Jabuuti aya sheegeya in Jabhada FRUD in muddo ah dhaq-dhaqaaq milateri ka wadey halkaas. Wargeyska Africa Intelligence ayaa faaladiisa sii raaciyey in Madaxweneya Ismaaciil Cumer Geele oo aan ku kalsooneyn difaaca cidamadiisa Dawlada Ehtiopa u soo Dirtey hal guuto oo Jabuuti ka soo gashey Buuraleyda Aleyto-La Boyna oo u dhow xuduuda labada Qomiyadeed kala qeybisa. Si kastaba ha ahaate xaalada nabad gelyo xumo ee ka jirta Waqooyiga Jabuuti, ayaa laga cabsi qabaa in ay ka sii darto marka la eego hadalada muran dhuleeka sii hurinaaya ee ka soo yeedhey Wasiirada Xukuumada Geele qaarkood, gaar ahaan Wasiirka Caafimaadka Jaamac Cilmi Cokiye oo Madaxweyne Geele sodog u yahey. Xigasho: Gabileynews online |