Fadeexad: Wasiirka Madaxtooyadda Oo Qarxiyay Sir Qarsoonayd, Sheegayna In Heshiisyada Imaaraatka Ay Wada Saxeexeen M/Siilaanyo Iyo Xasan Sheekh Maxamuud, Fariin Baryo Iyo Xod Xodasho U Muuqatana U Diray Farmaajaha Somalia

“Waxaanse Hoosta ka xarriiqayaa Mar labaad oo aan leeyahay Walaaladay, heshiiskaasi saldhiga
ixtiraama, Heshiiskii Labada Madaxweyne Ee ……….”..Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Xaflad Ka Hadlayay Dhawaan.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa mar uu dhawaan ka hadlayay xaflad loogu ololaynayay Saldhigga Milatari ee xukuumadda Somaliland Magaalada Berbera ka siinayso waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxa uu si sibiq ah hadal warbaahinta laga jaray uga soo dhacay ku sheegay mar uu farriin dawladda Soomaaliya ee cusub u dirayay in ay ixtiraamaan heshiis uu sheegay in ay hore arrinkan uga wada galeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweynihii hore ee dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo u muuqda mid uu Wasiir Xaashi ku qoray hadal in badan ay xukuumaddu qarin jirtay oo ay dafiri jirtay oo ah in Madaxweynihii hore ee Muqdisho uu xukuumadda Somaliland u fududeeyey heshiiska Imaaraadku kula wareegayo Saldhigga Milatari ee Magaalo Xeebeedda Berbera.
Wargeyska Foore oo helay muuqaalka xaflad uu ka hadlayay Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa uu tibaaxayaa isaga oo si cad uga hadlaya in heshiiskaasi ay wada saxeexeen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya sidaa darteed uu maamulka cusub ee Muqdisho ugu baaqayo in ay ixtiraamaan heshiiskaasi oo ay docodocaynta ka daayaan isaga oo dhinaca kalena ka hadlay in ay sii socon doonaan wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland oo xafladdaasi ka hadlayay balse qaybtaasi hadalkiisa ka mid ahaa hore aanay warbaahintu u shaacin ama laga jaray hadalkiisa ayaa waxa uu xafladdaasi isaga oo ka hadlaya leeyahay: “Arinta Wada Hadalka Soomaaliya Iyo Somaliland Diyaar ayaanu u nahay, Somaliland maanta waxa ku furan Doorashooyin ayay u diyaar garoobaysaa Iyaguna Mashaakil faro badan ayay qabaan. Madaxweynaha Cusub iyo Dawladdiisa hawlo culus oo badan ayaa horyaalla oo ay tahay inay maanta wajahaan, Dawladda Cusub ee Somaliland ka dhalata Arrimaha ugu horreeya ee Kaalinta koowaad u noqon doonta ee ay qaban doonto ayuu noqonayaa Wada hadalku, Wada Hadalkuna waa diyaar, Diyaar ayaannu u nahay,Waanu ixtiraamaynaa”. Ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Waxaanse Hoosta ka xarriiqayaa Mar labaad oo aan leeyahay Walaaladay, heshiiskaasi saldhiga ixtiraama, Heshiiskii Labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya, Arrimahaasi iyaga ah anigoo uga faa’iidaysanaya, Waxaan jecelahay, inaan farriintaasi dheer dhegahooda ku tuuro, Dawladda, Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya, Maamulkiisa iyo Raysal-Wasaaraha Intaba”.
Xafladdan ayaa u muuqata middii dhawaan lagu qabtay waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ay waftiga xukuumadda ee uu wasiirkani hogaaminayay ku sugnaayeen iyaga oo wakhtigaasi la hadlayay qaar ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee deggan waddankaasi Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Qiraalka ka soo yeedhay Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ee la xidhiidha in ay heshiiskaasi wada saxeexeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa meesha ka saaraya dooddii ay inta badan xukuumadda Somaliland ka odhan jirtay marka la soo hadal qaado arrinka la xidhiidha saamaynta ay dawladda Muqdisho ku lahayd heshiiskaasi kaasi oo in badan ay diiddo xukuumadda Somaliland balse sida marar horeba dhacday ay dhacdo in ay heshiisyada noocan oo kale ah hab hoose u dhammaystaan xukuumadaha Muqdisho iyo Hargeysa balse Bulshada loogu dhigo mid aanay maamulka dalkasi Soomaaliya waxba ka ogayn ama aanu ka khusayn.
Dhawaan ayay ahayd markii warbaahinta Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya ay shaaciyeen warar sheegaya in dawladdii Xasan Sheekh Maxamuud gaar ahaan Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid ay iyagu gacan hoose ku lahayd fududaynta hawshaasi saldhigga.

Xigasho.Foore.