Heshiiska dhex Maray Ciise iyo Sacad Muuse maxaa lagaga Hadlay?
Labadan reer waxa ay ku heshiiyeen meel ka mid ah lixdii goobood,ee
doorashada iyo diwaangelintaba sida xaq dara ah looga xayiray,
dhexdhexaadinta laba reerna,darteena waxaa goobta ka muuqday rag sheegtay
wasiiro iyo xildhibaano,kana socday dhinaca maamulka Hargeysa.
Hase yeeshee.
sida qaalibka ah haddii laba garab oo wax uun isku haysta,la heshiisinayo
waa in marka hore la dhegaysto,waxaa la kala sheeganayo,kadibna si daacad ah loo gar
soorro.
Labadii reer cid ka mid ahaa oo hadlay ma jirin,haddii u hadlayna waxaa muuqatay in qayb ka mid ah codadkii laga jar- jaray makarfoonkii,mana jirin heshiis qodobaysan oo la kala saxeedayna.;hadaba
waxa lagu heshiiyey iyo waxa laga heshiiyey,waa maxay?
Waxaan ogaal un
nahay,in degaanadan laga xayiray doorasho iyo diwaangelinba,shacabkii Ciise
ee goobahana markay degaano kale u sadcaaleen si ay iskaga diwaangeliyaana
lagaga daba teegay degaanadii kale oo cidamo ay hogaaminayeen kuwa isku
sheegay Suldaano weerar ka qaadeen,dhawacyo iyo dhimashana loo geystay
reerka Ciise.
Hadaba heshiiskani,waxaan u arakna,mid lagu SADQAYNAYO go’aanadii lagu
gaadhay in degaanada reerka Ciise laga xayiro doorasho,diwaangelina laga
samaynin. Shirkana waa mid loogu tusayo reerka Ciise inay sidas ku samran.
Qore:Warsame
|