Suxufiyiinta SL ka Hawlgala waxaa Haysta arag,Maqal oo Ha faafin.

 

Waxaa dhawaan lagu xidhay Magaalo madaxda gobolka Salal ee Saylac wariyihii Star tv,isaga
oo gudanaya hawshiisi wariyenimo,oo sida u sheegay ahayd inuu kasoo war-bixiyo arin baryahan dambe
la hadal hayay oo ahayd,ciidda dixda Bariisle oo  loo daldalo dalka jaarka ee Jabuuti. Ciddan waxaa gura in ka
badan 100 baabuur maalin kasta,halkii mar ee baabuur qaadona waa 100 doolar,waxaa ay
noqnaysa 100X100  waa 10.000,00 doolar maalinkasta.
,
Khayraadkas ay ka soo xerooto lacagtas intas leeg,haddana,shacabka Bariisle degan,biyaha
badda ayay ka acabaan,iska daa mashaaric kale oo loo sameeye.Qandaraska kuwa la siiyeyna
kuma jiro mid kaliya oo gobolka kasoo jeeda,taasina wax ay qayb ka tahay siyaasadda maamulka
ee ku aadan gobolka Salal.
Wariyihii,ogaaday caddaalad darradda Halkas ka jirta inuu u soo bandhigo dadka,waa ka la xidhay.
sidas darteed,waa arag oo maqal oo ha faafin. Khayraadka bogolka ee bad iyo beriba leh,ee haddana
shacabkii gobolka ka qatan yihiin.
Qore:Warsame