Abaartii Daba dheer 1973kii iyo Qiimaha Dowladnimaday Ina bartey By Barkhad

Abaarahu waxay ahaayeen kuwo soo dhacayay tan iyo bilowgii nolosha Aadamaha, Abaarahu waa kuwa qaabeyay habka Bina aadamku maanta dhulka u deganyahay Meelo xilliyo hore Cufnanta dadku aad ugu badneyd ayaa Abaaro dartooda Cidla u noqdey Sida Lamma Degaanka Saxaraha oo ah kan uweyn lama deganada Dunida wax la rumeysanyahay 5000 oo sano horteed inuu ahaa goob barwaaqo ah Aadame badan ku noola balse Abaaro isdaba joog ahaa oo Alle ku salidey Cidlo ka dhigtey markii danbana Ciid ahaan xataa isbedeley, saas darteed Abaarahu waa kuwo soo Socdey wakhti dheer qeybna kulahaa qaabka Dunida loo deganyahay ka dib Xilligii Roondiya

Mushkilada abaarta Taariikhdii hore Aadamahu Guurguuritan ayaa ku xallin jirey balse xilliyadan danbe qeybo ka mid ah Aadamuhu waxay la yimaadan nidaamyo ka duwan xalkaas hore waana ta mudan in dhamaan inta hadhay inay u tadawiran.

Aan usoo noqde dadka Somalida ah si la mid ah Aadamaha kale wakhti dheer ayaa dhulka Somalida abaartu kasoo dhacaysay Abaaraha Somalidu waa u magac bixin Jirtey mid ka mid ah Abaaraha dhulka Somalida ka dhacay waa ka wada Taariikh Duwantahay Waayo waxay ahayd Abaar laga Faa’idey waana ta kujirta Taariikhda Somalida intaan Ogahay ee Sida u haboon looga Faa’ideystey Abaartas waxay ahayd midii Dhacdey Qarnigii 20aad sanadahisi 1973dii Abaarta Somalidu Daba dheer ayaa u taqaan inkasto Dhulka Somalida si isleeg uga wada dhicin hadana Xilligaas Dowladii Kacaanku si ay u Xakameyso Abaarta waxay U fidisey Shacabka Somaliyeed Gurmad balaadhan oo qoysas Somaliyeed ayaa Iyaga iyo Xoolahooda waxa u hadhay Diyaarado iyo Gadiidka Milleteryga inta lagu qaadey la geeyay Goboladda Konfurta Somaliya qaarkod sida Kurtin waarey,Sablaale, Baraawe iyo meelo kale Arrinta Xiisaha lahayd waxay Ahayd in Xilligaas 115,000 Boqol iyo shaniyo toban kun oo Qof oo Somaliya la baray Sida wax loo beerto iyo Kallumeysiga dadkaas aadka u faraha badan waxay ka mid ahaayen kuwii abaarta deeganadooda looga raray dadka Tababarkaas qaatey waxay sanadihii danbe kor u qaaden dakhliga Dowladda taas oo sababtey in Somaliya iska Bixiso 30millian oo IMF kulahayd saasna ku shaacisey Dowladu In Somaliya tahay dal Isku filan Isla markaan deyn danbe qaadan doonin korodhka wax soo saarka dalka oo ay qeyb weyn ka qaaten dadka Abaarta looga gurmadey ee xirfadlayaash loo beddelay waxay sababeen in Qorshah Dowladda Somaliya lagu darro in Sanadka 1984ta ay Somaliya mabnuucdo Waxyaallaha ay lasoo dagto dal gudahisa isku filana oo soosaara waxyaalaha ubaahantey noqoto balse dagaaladii Sokeye oo kasoo hormaray ayaa taas dib uceliyay

Awooda u qaalisan ee dunida taalla waxa laydhahdaa waa Human Resource in 115kun oo Somaliya sanado gaaban xirfadlayaal lagag dhigo waxay ahayd mid aan la sahashan karin taas oo qiimaheeda leh

Hadaba waxaa Isweydiin Mudan Dhamaan Abaarahii Somali markeynu nahay ina hellay maxay tani kaga duwanatay Maxay u noqotey iyaduu mid laga Faaideytey ama Faa’ido loo beddeley? Anigu jawaabta waxaan u arkaa Inay Sanadkay dhacdey ahayd Sanadihii aynu u Dowlad saneyn taasna ka soocdey dhammaan abaarahii Soo dhacdey taasna waxay ina Tusineysaa qiimaha Dowladnimo

ugu danbeyntii waxaan Xusi lahaa in Xilligaas Somalida kuwo Xor ah iyo Kuwena la Gumeystaba isku dareen la ahaa inay ahayd Taasna dhamaanten Qiimo ina siineysay Mar labaad weynu soo ceshankarna oo maalinkas ayaynu ka tiro iyo Cilmiba yareeyn waase hadii hankii maalinkaas aynu yeellano.

W/Q Barkhad Ibrahim