Waxaa la bilaabay todobaadka boondhi iibiska ee Ismaamulka Magaalada Diridhabe.

 

Furitaanka todobaadka boondhi iibiska oo ka dhacday fagaaraha dhabada xadiidka ee Ismaamulka Magaalada Diridhaba ayaa waxaa kasoo Qayb galay masuuliyinta sare ee Ismaamulka iyo waliba shirkado gaar loo leeyahay  waxaana qudbad ka jeediyay duqa Ismaamulka mudane Ibraahim Cusmaan oo sheega in todobaadka boondhi iibisiga ee Ismaamulka loo qorsheeyay in lacag dhan 10 milyan oo bir loo ururiyo mashruuca biyo xidheenka ee Ismaamulka wuxuna intasi ku daray in labadi maalmood ee ugu horaysayba la iibiyay 2 milyan oo lacag ah.

ቦነደ

Dhanka kale waxaa furitaanka ka hadashay marwo Muluka oo ah hoggaanka xafiiska arimaha haweenka ee Ismaamulka diri dhabe ayaa tilmaamtay in haweenku   lacagaha ay kaydsadaan si ay u gaadhan himloyinkooda iyo waliba horumarka dalka oo haweenku door muhim ah ay ka qaataan waxayna sheegtay in iyadoo laga duulaayo malinta haweenka ee aduunka ee 8 Marso  ay wacyigalin balaadhan ay siiyeen haweenku sidi ay horumarka dalka ay ugu foojignaan lahaayeen.

Waxaakale oo goobtasi ka hadlay hogaanka xafiiska dismaha iyo guriyayinta ee ismaamulka mudane Aadan Faarax oo sheegay in uu dalkeenu u bahan yahay dhismayaal tayo leh oo bulshada iyo dalka horumarkisaba waxka tara sidaa darteed shirkadaha ku hawlan dhismayaasha kala duwan waa in ay kasoo dhalaalaan doorkooda kaga eedan hirgalinta kobaca dhaqaalaha ee dalkeena.

Madaxa xafiiska abaabulka shacabka ee mashruuca biyo xidheenka abaay mudane kafyalaw abara ayaa sheegay in ay labadi maalmood ee ugu horaysay uruuriyeen 2 milyan oo lacag ah tanina ay ka dhigayso in qorshaha boondhi iibiska ay ka dhigayso mid wakhti dhaw aan ku guulaysano.