Dowlada oo wadahadal xasaasi ah kula jirta madax katirsan Al-shabaab.

(Akhri Magacyada 10 Sargaal oo kusoo biiraya DF)

Xog buuxda oo si hoose loo helay ayaa sheegaya in saraakiil katirsan kooxda AlShabab ay doonayaan iney kusoo biiraan dowlada Soomaaliya

Wararka ayaa intaas ku daraya in saraakiishan AlShabaab ayaa la fahansan yahay iney haatan wadahadal kula jiraan dowlada Soomaaliya

Saraakiishan oo badankood aan wax xil ah ka hayn Al-shabaab ayaa waxaa sidoo kale ku jira culimo u qaabilsanaa baraarujinta, faafinta fikradaha Al-shabaab iyo sidoo kale kuwo kale oo qaarkood dagaallami jirey.

Markii ay maqleen in DFS isbedal sameysay, lana helay shaqsi ay shacabka Soomaaliyeed jecelyihiin ay doonayaan dhankooda iney ku biiraan Al-shabaab.

Wada hadallada socda waa kuwo hoose, xogtana waxay sheegeysaa in qaarkood meel ka ammaan ah Al-shababa ay hadda ku sugan yihiin.

Magacyada ragga is soo dhiibaya:

1- Cali Axmed (Abuu Seynab)

2- Sheekh Muumin Maxamed

3- Axmed Luga Togane

4- Sheekh Raage Aweys Axmed

5- Muumin (Bin Cali)

6- Yuusuf Axmed Ducaale (Abuu Cabdalla)

7- Qaasim Hilowle

8- Sakariye Sheekh Khadar

9- Sheekh C/casiis Nuur Axmed

10- Nuur Jeylaane Macow

Dowladda Farmaajo ayaa horay u sheegtay iney soo dhoweyn doonto cid walbo oo ka tirsan Al-shabaab balse qaadata nabadda iyo dowladnimada