FALANAQEYN: 4 Qodob oo ay qasab tahay Inaad ka ogaato Sababta ay Itoobiya Wiil Soomaali ah ugu magacowday Safiirkeeda Muqdisho & Qorshe lagu fashilinayo Farmaajo.

 

Dowladda Itoobiya waxaa loo arkaa mid halis weyn ku ah jiritaanka umadda Soomaaliyeed, walow ay jiraan siyaasiyiin difaaca oo ka soo horjeeda in la dhaleeceeyo.

Laakiin shaki la,aan, Itoobiya waxay ciidamo ka joogaan dalka,waxayna saameyn ilaa iyo heer caalami ah ku leedahay go,aan ka gaadhidda ayaaha Soomaaliya,taasi waxaa daliil u ah, sida ay ula saaxiibtay maamul goboleedyada dalka.Shabakaddaha wararka siyaasadda ee Soomaaliya ayaa xogo badan oo hoose ka hehay xaaladaha hadda jira.

Dowladda cusub ee uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo ayaa la aaminsan yahay inay is-baddel ku sameyn doonto siyaasadda arrimaha dibadda, gaar ahaan dowladaha deriska ah ee Itoobiya iyo Kenya.

Itoobiya oo ka didsan halis uga timaada maamulka cusub ee Soomaaliya ayaa go,aan ku gaadhay inay beddesho safiirkeedii hore ee Wondimu Asamnew,iyadoo soo magacwoday Mr Jamaaludiin Mustafa Cumar oo ka soo jeeda dowllad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Haddaba, dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa is-baddelkan ku dhacay safaaradda Itoobiya u arka siyaabo kala duwan,iyadoo inta badan ay aaminsan yihiin inay tahay shir-qool cusub oo lala damacsan yahay Soomaaliya.

Itoobiya ayaa 4 u jeedo ka leh safiirkan cusub ee Soomaaliga ah ee loo soo diray Soomalaiya.

1- In ay u fudaato basaasidda: Safiirkii hore, Wondimu Asamnew waxaa ku adkeyd inuu si dhow ula socda dhaq-dhaqaaqa xarunta madaxtooyada,walow uu halkaasi deganaa haddana waxaa goobta looga hadlaa luqadda Soomaaliga, inkastoo uu heystay tarjumaan haddana ma aamisaneyn in qof Soomaali ah uu run u sheegayo, waxuuna ku dhaqmayay arragtida ah,- Soomaali waa mid, kan saaxiibkaa ah iyo midka cadowga ahba dhalasho ayaa ka dhaxeysa si un ayayna kuu khiyaamayaan.

 

2-In la’iska horkeeno Soomaalida Itoobiya iyo dadka Soomaaliyeed ee kale: Kooxaha ama dowladaha doonaya in ay si dadban wax u gumeystaan waxay isticmaallaan hal-ku-dhig caan baxay oo la yiraahdo: “Kala-gey dadka kadibna iska maamullo dalka”.

Inkastoo ay Soomaalida Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya ay kala deggan yihiin labo waddan haddana waxaa ka dhaxeeya xidhiidh walaalnimo oo saameyn badan oo dhanka xun yeelan karta haddii ay arrimo muhiim ah isku khilaafaan, taasoo goggol-dhig u noqon karta inay sii xoogeysato kala shakiga u dhaxeeyay dadka Soomaaliyeed ayna mugdi sii gasho raiyada ah Soomaaliya oo dib u midowda.

3- In la marin habaabiyo caalamka: Kasoo billow qaramada midoobay, midowga Yurub, Carabta illaa iyo Afrika waxay ka wada dherragsan yihiin oo ay ogyihiin u jeedada rasmiga ah ee ay Itoobiya faro-gellinta ugu heyso Soomaaliya, sidaas darteed, ayuu ra’iisul wasaaraha dalkaas u go,aansaday inuu soo magacaabo Safiir Soomaali ah, si uu caalamka ugu qanciyo in dalkiisa uusan halis ku aheyn dowladda cusub ee Farmaajo,laakiin xaqiiqada ayaa ah in Itoobiya ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleyso sidii ay u fashillin laheyd hoggaanka cusub,waxaana loo adeegsan doonaan wakiilkan Soomalaiga ah ee la soo magacaabay kaasoo aan madaxtooyada ka waayi doonin dad Soomaali ah oo ay si un qaraabo u yihiin, Dhalasho ama Guur.

4-In la xumeeyo xidhiidhka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada: Soomaalida badankood waxay ka dareesan yihiin  marar badanna ay ka dhawaajiyaan in caqabadda ugu badan ee dowladda cusub wajaheyso ay yihiin maamul goboleedyada oo laga dheragsan yahay inay xidhiidh weyn uu kala dhexeeyo loona soo adeegsan karo inay dhabarka ka jebiyaan madaxweyne Farmaajo iyo xakuumada uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre, marka safiir Jamaaludiin Mustafa Cumar waa nin Soomaali ah oo galaangal u leh xafiis waliba oo ay Soomaali fadhiso kana dhameyn kara danaha qarsoon ee ay leedahay Itoobiya.