Gudoomiyaha xisbiga Ucid ee Soomliland ka jira,man nin siyaasi ah ba mise waa dilaa?

 

Gudoomiye Faisal Cali Waraabe, dhawaan  mar wax laga weydiiyey sobobtii
loo xidhay Saxaafi Coldoon,wuxuu ku jawaabay,anigu waaban toogan lahaa
Saxaafi Coldoon,haddii aan madaxweyne ahaan lahaa. Jawaabta Faisal Cali
Waraabe,waxa aad uga xumaaday wariyihii waraysanayey,isaga oo ku yidhi sidaasi
ma dimoquraasiyadba in nin Saxaafi ah oo magaalo Soomaaliyeed teegay la xidho,adna
aad hadda leedahay waban toogan lahaa.
Hadaba jawaabta u bixiyey,waxa loo qaadan kara inuu yahay Faysal nin dilaa ah,sidaas oo
ay tahayna waa musharax madaxweyne.Faisal Cali Waraabe,si isdabajoog ah ayuu u taga Itoobiya,Kenya,Jabuuti iyo dalal kaleba.lamana xidhin.dilna laguma xukumin.
Haddii bal la su’aalo Faisal,sharciga dhigaya qof Soomaalia oo magaalo Soomaaliyeed
taga ulajeedo kastaba ha u tagee Faisalaw soo bandhigi,ma soo bandhigi kara.
Gabagabadi iyo gunnaadkii,Faisal Cali Waraabe,wuu fahansan yahay inay arintani
dhaawac weyn u geysan karto mustaqbalka siyaasadiisa,sidas darteed,waxaa ila
habboon in uu raaligelin ka bixiyo.
.
Qor:Warsame