War Deg Deg Ah:Dekadi Magaalada Berbera oo Foolan.
Mudaharaadkan ayaa waxa dhigaya shaqaalaha dekeda Magaaada Berbera gaar ahaana waaxda Farsamooyinka,waxaana la sheegay in uu mudaharaadkani salka ku hayo khilaaf soo kala dhex galay maamulka Dekeda Berbera iyo shaqaalaha dekeda
Waxaana xogaha Ramaasnews soo gaadhayaa ay sheegayaan in mudaharaadkani uu ka dhashay kadib markii maamulka Dekeda Berbera ay saaka ku wargaliyeen shaqaalaha dekeda in ay maanta waxii ka danbeeya ay ku shaqaynayaan lacag ka jaban lacagtii ay markii hore ku shaqayn jireen iyaga oo maamulkaasi la sheegay in ay ugu hanjabeen shaqaalaha in hadii ay ku shaqayn waayaan ay keensanayaan shaqaale kale,waxaana arrinkaasi ku gacan saydhay oo saluug ka muujiyey shaqaalaha dekeda magaalada Berbera,iyada oo taasina ay sababtay mudaharaadkan
Shaqaalaha mudaharaadka dhigaya saaka ayaa waxa la sheegay in ay barxadda hore ee dekeda magaalada Berbera ay ku gubeen isla markaana dab ku qabad siiyeen calankii shirkada Dp World iyo garamaantii magaca shirkada DP World ku buufsanaa ee shaqaalaha loo qaybiyey,
Sidoo kale waxa istaagtay habsami u socodkii hawlaha shaqo ee dekeda magaalada Berbera iyada oo dekeda magaalada Berbera-na lagu soo daadiyey ciidamo tiro badan kuwaas oo sugaya amaanka dekeda.
Gabagabadiina wali waxa socda mudaharaadka ay dhigayaan shaqaalaha dekeda Berbera,waxaana shaqaaluhu ay ka hadleen cabashadooda
Xigasho:Ramaas.