Masibooyinka ku dhacaya Soomaalida ma odhan kara waa mid ay iyadu keensadeen?

 

Masiibooyinka haysta ummadda Soomaaliyeed,Bari iyo Galbeed Koonfur iyo Waqooyi ee ay mid yihiin, abaaraha daba
dheeraaday,dagaaladda aan dhamaad lahayn,ee haddana aysan jirin cid
guul ka gaadhay,budhcad badeedka,bahdilka ay ku hayaan dalalka jaarka’ihii
qaraxyadda ay maalin walba ku dhimanayaan dad masaakiinihii, tahriibka
ay ku dhamaadeen dhalinyartii Soomaaliyeed,iyo musuq  maasuqa aan ka
xishood lahayn ee curyaamiyey hawlahii dawlad kasta oo la dhiso.
 
Haddii aan soo qadanno,abaaraha: marka hore,abaaraatu maxa ay tahay?
Abaaratu,waxa ay ka kooban tahay abaar dad iyo abaar duunyo(Xoolaha).
Abaarta dadku,waa dadka oo waaya.wixii ay ku noolan lahaayeen,oo iibsan
kari waayaan.Abaarta duunyadu,waa roobka oo di’i waaya,duunyaduna
waayaan daaqii ay cuni jireen.
 
Abaartu,aduuyadda oo dhan,waa ay ka dhacda,hase yeeshee,dalalka dunidu
kuwa awoodda lihii,waa ay ka diyaargrawban,oo kayd bay u sii dhigaan
xolohoodda,iyo dhul seerayaal ah oo lagu sii daayo marka roob la waayo.
Dhulkena somaliyeed,abaarahu,sida aan taarikhidda ku hayno waxa ay aha-
yeen soo jireen,magacyana waa ay leeyihiin,sida Gaatam,Gadheer,wiilkii-
qalad,Ganoodda,Abaalays,Dhabarweyn iyo Xarama cuna. Gabayo badana
waa laga tiriyey,kuwa wax naga soo gaadheen,waxaa ka mid ah kann;Abaar
waa la arkii jiray,ee abaalays baa la ridii,abeer geel waa la qalan,aloos geel
way engeegii,aroos wuu tuuga tagii ee marka waraabuhu weyd u hadho ee
reerka qoladas sogor ku hadho,sayr wuxuunba la arkayaaye reerka qoladas
see la odhan.Inkasta oo aan doonayn inaan sheego reerkas,sida la sheegay
wuxuu ahaa  reerkasi marka ay abaartu reeraha  odhan xoolaha ka dhamayso, reerkii xoolo u hadheen ayay ka boobi jireen.
 
Abaartan sinadahan soo martay Soomaalida, lama sheegin mid la mid ahayd,
taarikhidda marka dhinac kastaba la eego. ummadda Soomaaliyeedna waa inay
hadda ka sii gashamata abaaraha sidas ah,iyada oo wax weyn laga beddelo
qaabbabka dadka reer guura’ihii xoolohoodda u daajiyaan dhulka,ummadda
Soomaaliyeed  dhamaanteedna ilaahay u toobad keento, saalaado badan oo
roob-doon ahna la tukado.
 
Qore.Warsame