Iska Hor Imaadkii Oromadda iyo Soomaalida ee Gobolka Sitti oo siddi loo Qorsheeyey u Socda.

 

Sidi laga war qabo waxaa Maalinti axadi bisha Mars ahayd/12/03/2017, ka qarxay dagaal naf iyo maalba lagu waayay  oo  ka dhacay Magaalada Ma,iso iyo nawaaxigeega ku teedsan, dagaalka waxa soo abaabulay  maleeshiyo si xoog ah u hubaysan oo loo sameeyay Kililka oromada.  Waxaa ka dambeeyay samaynta iyo soo hubaynta maleeshta Oromada ah oo uu dhiganta waxaa loo yaqaan LIU POLICE ee ka hawlgala dhulka Soomaalida ethiopia Kilika oromada iyo Dawlada Ethiopia oo si isha-falata ah duusha uga fiirsan waxaa lagu samayn Soomaalida Ethiopia gaar ahan reer Sitti.

13/03/2017. waxay maleeshtu dagaal loo arko saf balaadhan oo ila  9 goob ah  kaaga soo qaadeen buuralayda Magaalada Ma,iso, Mullu, Dhalaadu, ila buuralayda degmada Afdem oo dhamaantood xuduud la wadaaga Kililka Oromada waa meelaha ugu nugul ee weerarda badheedhka ee oromadu ku rabto in ay si xoog ah gacanta ugu dhigto.  waxa laga dheregsan yahay  inuu madaxwaynaha kililka Oromadu si aan waabasho lahayn  , uu yidhi inuu dhawaan soo dhisi doono ku dhwaad 50.000 oo maleesh oroma ah oo ka hor tagi doonta  Waxaa uu ugu yeedhay Soomaalida Ethiopia oo halis joogta ah ku haysa dhulka Oromiya uguna baaqay  inay marwalba iyo maalin kasta ka  digtoonadan iskana difacan,Soomaalida Hororka ah,Waayo waxa dagaalka dabada ka soo riixi waa  Wa jabhada  TPLF oo wakhtigu ku adagyahay iskuna  diraysa shacabka walaalaha ah ee an waxba galabsan ee dariska ah hadalka masuulka Oromada ah waxaa laga dheehan kara laba wajiilaynta kuwa lagu sheego madaxweynayaasha Kililkadda oo iyagu ah dabka lagu shidi colaada laga dhex wado Soomaalida iyo oromada oo kan weerarka soo amray iyo dhaliili waa isla hal qof oo Addis ababa laga soo amray hadi jabhada TPLF si dhaqsa ah faraha ugula bixi waydo hurinta coolad Sokeeye oo kadhacada dalka Ethiopia inay masuuliyadeeda qaadan doonto.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegey in Magaalada Ma,yso ee sannadkii 2005-tii Afdi been-been ah kililka Oromada loogu daray ay dagaalkan marku dhacay shacabkii tira yara ee Soomaaliyeed ee wali sii dagana magaalada lagula kacay dagaal sababay dhaawac iyo burbrin hantiyeed  hadana magaada ay ka socoto barakac baahsan oo maleeshiyada oromada ee Addis laga soo shidaalay kula kaceen.