Kullan Xasaasi ah oo dhex Maray RW Kheyre iyo Saraakiisha AMISOM. (SAWIRRO)

 

Kullankii ugu Horeeyay ee noociisa ah ayaa xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaalia kula yeeshay madaxa Hawlgalka AMISOM iyo Taliyeyaasha ciidamada AMISOM.

Kulankaan oo ka duwanaa kulamadii hore ee looga baartay madaxda Soomaalida oo tegi jiray taliska AMISOM, balse, ra’iisul wasbare Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sareyso AMISOM, waxaana kulankaasi looga hadlay sidii wada shaqeyn buuxda u dhex mari laheyd xafiiska RW iyo taliska AMISOM.

.

RW Kheyre ayaa soo dhoweeyay Hawlgalada iyo taageerada ciidamada AMISOM siiyaan Soomaalia, isagoo ballan qaadya inuu si dhow ula shaqeyn doono.

Waxaa side kale kulanka looga hadlay xaalada amni ee faraha kasii baxaysa ee Muqdisho iyo sida la isaga kaashan karo wax ka qabashada falalka amni daro ee kusoo kordhay Muqdisho.