Madaxweyne Farmaajo & Dowladda Ingiriiska oo afar qodob oo xasaasi ah ku heshiiyay (SAWIRO)

 

Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaadhay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, Boris Johnson iyo Xubno kooban oo Safarka ku wehlinaayay.

Mr Boris Johnson waxa uu kullan saacado badan qaatay la yeeshay Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo oo ay kawada hadleen arrimo dhowr ah.

Kullanka labada Mas’uul ayaa ka dhacay Xarunta Villa Somalia waxaana kamid ahaa qodobada looga hadlay Xaalladda dalka Soomaalia, Arrimaha Ammaanka, Dagaalka Alshabaab, Macluusha iyo Shirweyne Caalami oo looga hadlayo Arrimaha Soomaalia oo lagu qaban doono London.

Madaxweye Framaajo iyo Boris Johnson waxay si gaar ah uga hadleen Xaalladda Abaaraha ee Soomaalia, iyadoo Dowladda Britain 10-million oo Geni ugu deeqday Hawlaha Anaaraha ee Soomaalia.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, Boris Johnson ayaa yidhi “Iyadoo uu dalka Soomaalia yahay Waddan Kheyraad badan dhex ceegaagaan, waxaa haddana walaac leh Abaaraha soo laalaabtay, Britain waxa ay garab taagan tahay Soomaalia kumana fiirsan doono dhibaatada taagan”

Boris Johnson waxa kale oo uu tilmaamay inay Soomaalia ka taageeri doonaan dhinaca Ammaanka Soomaalia.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain waxa uu intaa kadib Madaxweynaha Soomaalia usoo jeediyay hirgalinta 4 qodob oo kala ah:

1-In Dowlada Soomaalia ay ka dhabeyso la dagaalanka waxa uu ugu yeedhay Argagixisada Al-shabaab iyo Daacishta Soomaalia.

2-In dhalinyarada kasoo goosata Al-shabaab ee la marin habaabiyay loo sameeyo baraarujin gaara isla markaana aan lagula degdegin dil iyo xadgudubyo kale.

3-In Shirweyne Caalami ee looga hadlayo Arrimaha Soomaalia lagu soo bandhigo qodobo qeexaaya dhibta heysata Soomaalia iyo baahida ay u qabto Soomaalia in garab weyn ay ka hesho caalamka.

4-In lasoo bandhigo hoos u dhaca Soomaalia ka heysta Siyaasada, Garsoorka iyo Amniga, si loo helo gurmad dhan waliba ah maadaama uu shirkaasi Soomaalia u yahay fursad dhif iyo Khaliil ah.

Dhinaca kale, Qoraal uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, Boris Johnson soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in safarkiisa Soomaalia uu aad ugu faraxsan yahay isla markaana Soomaalia ay kasii dhamaanayaan amni daridii ka jirtay.