Waay Hooy Djiboutay cusbaa amaan weyday.

 

Cusbadu waa  shay aanan looga maarmin calafkasta oo la  cuno oo cunaha la marsho,hase yeeshee,
aanan cidina siinin qiimaha ay leedahay. Keligeed looma safro,oo jid dheer looma maro lama beerto,lama dhacdo sida Xoolaha,dhibna lagala
ma kulmo radinteedda,waxaana la yidha cusbaa amaan weyday.
Sidas waxaa ka dhigan gabyahanadda,qaarkood, oo tiriyey gabayo dhaxal
gal ah oo ku dhalin kara qof kasta shucuur iyo xananto marka u maqlo,sida
maansada u Aadan Faarax Samatar u  ku soo dhaweeyey maalintii Calanka
Jamhuuriyadda Jabuuti la saaray,wuxuuna yidhi,
(MAALINTA DHALATAY BAAN
BISIN KUGU BILAABO,BIRTU KUMA KARAYSE,DHIRTA BARATAMAYSA
DHERERKA YAYNA KA BADIN,BOQOR GEEDAHA U NOQO;BILDHAANTA
IGU RONOW)
 
Sidas darteed,Aadan Faarax Samatar,wuxuu ka dhigan yahay cusbada amaanta
weyday,hase ahaatee,waxaa og ummadda reer Jabuuti.
Qore:Warsame.