FADEEXAD & Ceeb qabsatay Xildhibaanadda DF ee haysta Sharciga UK kadib markii ay saf ugaleen Boris Johnson (SAWIRO)

 

Xildhibaano katirsan DF Soomaaliya ayaa si layaab leh ay kaamirooyinka uqabteen iyagoo saf ugu jira iney salaamaan oo ay la kulmaan wasiirka arimaha dibadda Ingiriiska  Boris Johnson oo safar lama filaan ah ku yimid Muqdisho.

Tiro xildhibaano ah kana tirsan labadda aqal ee barlamaanka ayaa tagay safaarada UK ee Muqdisho halkas oo uu wasiirku joogay, waxaana ay doonayeen iney gacan qaadaan oo ay la kulmaan.

Dhamaan Xildhibaanadaas safka ugalay iney soo salaabaan Wasiir Boris Johnson ayaa haysta sharciga dalka Ingiriiska oo ah halkii ay daganaayeen kahor inta aysan siyaasada kusoo biirin oo ay qaxooti kasoo ahaayeen.

Xildhibaanadda safka ugalay iney salaan kasoo qaataan Boris Johnson waxaa kamid ah Zakariye Xaaji Cabdi, Cabdi Shire Ciyaar jecel iyo Nacimo Yuusuf iyo kuwa kale.

Waxaa ayaan daro ah in inta badan dowladda dalka ay tahay ajaanib haysta baasabooro shisheeye kasoo bilow madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha, Afhayeenadda labadda aqal iyo boqolkiiba 80 xildhibaanada labada gole.

Dad badan ayaa isweydiinaya hadii masuul kasta oo ka socda dalalka ay baasaboorada ka wataan madaxdeena ay saf ugalaan iney salaan kasoo qaataan yaa ilaalinaya sharciga iyo sumcadda umadda Soomaaliyeed?….