Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya 42 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo lagu dilay dooni ay saarnaayeen oo ka ambabaxday xeebaha dalka Yeman, kuna sii jeeday dalka Sudan.
Duqeynta lagu dilay qaxootigaan Soomaaliyeed ee ka baxsanayay dagaalada Yeman ayaa waxaa la sheegay in ay geysatay mid ka mid ah diyaaraddaha Helicopterada isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga.
Wakiilo ka socda ururka socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegay in qiyaastii 80 qaxooti ah la soo badbaadiyey, islamarkaana loo qaaday magaalada Xudeyda.
Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee magaalada Cadan Axmed Cabdi Xassan (Axmed Suudaan) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka dhintay ay Soomaali yihiin, isla markaana dowladda Soomaalia war ka soo saari doonto cidda ka danbeysay.