Xukumadda cusub ee Dawlada Feedaraalka Soomaaliya ayaa ka maqan beel ahaan?

Kadib markii muddo bil ku dhaw laga war sugayay R/W Xasaan Cali Khayre inuu soo dhiso
golaha wasiiradda cusub ee Dawlada Feedaraalka Soomaaliya ,ayuu maalintii salaasada, bishun ahayd 21.ku dhawaaqay
liiska wasiiradda cusub.
Iyada oo caado iska tahay,in mar Allaale,marka la soo dhiso,xukuumad, cusub,cabashooyin
ka yimaadaan beelaha Soomaaliyeed,ayaa durbaba beello,la odhan karo qayb libaax ayay ka
heleen golaha wasiiradda cusub,ay bilaabeen cabasho.iyaga oo cabashadoodu tahay wasiirka
wasaaradas loo dhiibay ma rabno,ee waxaan xaq u lahayn in wasaaradda dhaqaalaha loo
dhiibo wasiirkayaga.
Hadaba,su’aasha meesha ku jirtaa wax ay tahay, ma wasaarad ay beeli gaar u leedahay ayaa
jirta?
Miyeyse wasiiradu isku martabad  iyo isku mushaar ma’ahayn? 
Hase ahaatee,arintas mid ka 
duwan,ayaa ka muuqata golaha wasaaradda u soo dhisay R/W Xasaan Cali Khayre,soona
ogolaaday madaxweyne M.C.Farmaajo,waxaana weeye, hal qabiil oo ka kooban beello ayaa
beel walbiba ka dhex muuqata golaha wasiirada,qabiil dhan oo ka kooban intas oo beeloodna
waxaa ka dhex muuqta hal wassira dawladeed kaliya.
Qof ahaan,aniga rayiga aan qabaa,wax u yahay,in ,lagu xushaa wasiiradda aqoon,karti,iyo
daacadnimo,ee aan lagu xulan qabiil,si looga baaqsado, karti-xumada,musq maasuqa,iyo qabyalad-
abuurka.
Wabilaahi towfiiq
Qore:Haji.Warsame.