War deg-deg ah; Rasaas laga maqlay xarunta baarlamaanka Ingiriiska

 

Wararka ka imanaya magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in rasaas laga maqlay afaafka hore ee Baarlamaanka Ingiriiska bartamaha magaalada London.
Hogaamiyaha Aqalka Commonska David Lidington ayaa sheegay in mid ka mid ah ciidamada booliska mindi lagu dhuftay.

David aya au sheegay mudanayaasha ku jira gudaha baarlamaanka in la toogtay lana diley qofkii soo weeraray ilaalada Baarlamaanka.

Xildhibaanada baarlamaanka Ingiriiska iyo shaqaalaha ku jira xarunta baarlamaanka ayaa lagu amray inay gudaha ku jiraan oo aysan banaanka u soo bixin.

Ciidamada pooliska oo ay soo xigaday wakaalada wararka ee Reuter ayaa sheegey in ay dhacdan u eegtay mid Argagixiso.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco XeerNews24.com