Wararkii Ugu Dambeeyay ee Weerarkii ka dhacay Banaanka Xarunta Baarlamaanka UK iyo Khasaaraha ka dhashay(sawiro)

 

Askari booliis ah ayaa lagu tooriyeeyay banaanka dhismaha baarlamaanka ee magaalada London. Qofkii weerarkaas lagu eedeeyay waxaa toogtay oo diley boolis hubaysan.

Wararka qaarna waxay sheegayaan in gaadhi kale si ula kac ah loo jiidhsiiyay ugu yaraan shan ruux oo marayay kaabada Westminster.

Gawaadhida gurmadka degdegga ah ayaa gaadhay goobta uu shilku ka dhacay.

Ra’iisalwasaaraha Britain Theresa May, ayaa loo sii qaaday goob ammaan ah markii rasaasta iyo bugta la maqlay maadaama ay ku sugneyd xarunta barlamaanka oo goobta weerarku ka dhacay ahayd.

Sidoo kale xubnaha baarlamaanka ayaa lagu amray ineysan kasoo bixin halkii ay ku sugnaayeen ilaa markii dambe laga wada qaaday meesha.

BBC-da oo soo xiganeysa saraakiil boolis ah ayaa sheegeysa in cabsi laga qabo in weerarkan uu ahaa mid argagaxiso oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo baarlamaanka dalka.