Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta miyey ka heshiiyeen dacwadii Badda? (Akhriso Qodob shaki abuuray)

 

Kadib wahadalkii Guriga madaxtooyada magaalada Niarobi ku dhex maray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya iyo shirkii jaraa’id ee ka danbeeyay waxaa soo baxaya arrimo kale oo ay ka wahadaleen labada hogaamiye.

Qodobka ugu muhiimsan ee kulankii labada dhinac ee sida weyn loo hadal hayo ayaa noqday dib u bilaabidda duulimaadyadii rayidkahaa ee Muqdisho iyo Nairobi oo hore labada dowladood ugu heshiiyeen fulintiisana loo qabtay laba guddi inay go’aan uga gaaraan muddo laba toddobaad ah.

Muranka xuduudka Badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa ahaa qodobka adag ee labada dal hor yaalla oo gaaray inay labada dal iska dacweeyeen Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (ICJ).

Qodobkan ayaa labada hogaamiye ay ku qabsanaayeen inay isla soo qaadeen, iyadoo labada madaxweyne ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay kulan gaara wada qaateen maanta.

Arrinta shakiga dhalisay ayaa noqotay mid ka mida qoraallo uu madaxweyne Uhuru Kenyatta soo dhigay bartiisa twitter-ka kaasoo u qornaa sidatan:

“Wadahalladeena waxay ku wareegeen arrimaha ammaanka, ganacsiga iyo maalgashiga, duulimaadyada rayidka, beeraha iyo qeybsiga kheyraadka iyo horumarinta…”

 

Lama oga kheyraadka ka dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya oo ay qeybsanayaan haddii aanay arrintu ku saabsaneyn damaca ay Kenya ku dooneyso in lagu siiyo qeyb ka mida Badda Soomaaliya oo dacwadeedu taagan tahay.

Mowqifka ay dowladda Farmaajo ka qaadan doonto arrinta dacwadda xuduudka badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa horeba shaki ku jiray iyadoo Ra’iisal wasaare Kheyrre la ogyahay inuu hore ugu lug lahaa shirkadaha baaritaanka shidaalka ee Soomaaliya.