Qareenka Mahad Abiib oo cadeemo dalka Djibouti ka keenay. (SAWIRRO)

 

Bio Injineur Mahad Abiib oo ah Wiil Soomaaliyeed oo kunool dalka Norway mudane ay dacwad kala dhaxaysay hay ada Qaxootiga oo horey uga ceshatay Baasaboorkisa Norwegianka ahaa ayaa kiis kiisa wejikale yeeshay kadib markii uu Qareenkiisa Arild Humlen Cadaymo ku filan ka keenay dalka Jabuuti taasoo ah nin lagu sheegay inuu mahad la dhashay oo basaboorkiisa horey loo keenay maxkamadii mahad la saaray ee iyadana ku raacday inay walaao yihiin.
Qareenka Arild Humlen ayaa keenay cadaymo sheegaya inaysan labadan nin wada dhalan wax shaqo ahna isku la hayn kadib markii uu keenay dhamaan wiilasha la dhashay ninka lagu sheegay inay Mahad walaalo yihiin iyo aabihiisa wuxuu isa soo ag dhigay sawirada labada aabo ee labadan kala dhalay.
isagoo sheegay inuu cadaymahaan ka soo qaaday waaxda dad dhigista ee Jabuuti.
Sawirka Passportka jabuutiyaan ee ninkan ay dowladu sheegtay inuu la dhashay Mahad, ayaa kamid ahaa cadeymihii ugu waaweynaa oo ay dowladu soo bandhigtay intii uu socday kiiska dacwada maxkamada.

Qareenkan ayaa sheegay in mudada racfaanka la sugayo ay tahay waqti dheer, sidaas darteed uu codsanayo in Mahad loo soo celiyo sharcigiisa.