War ku cusub dhegaha Soomaalida Ethiopia oo gudaha Somalia ka dhiseysa Garoon Diyaaradeed.

 

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu sheegay in Dowlada Ethiopia ay Mashaariic Horumarineed ay ka bilaabeyso Deegaanada Maamulkiisa.

Waxaa uu carabaabay Madaxweyne Gaas in Dowlada Ethiopia ay dhiseyso Garoonka Diyaarada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug sido kale waxaa uu xaqiijiyay in sidoo kale ay dhiseyso wadada laamiga ah ee isku xidheysa magaalooyinka Garoowe iyo Eyl.

Gaas ma’usan sheegin wax ay ku badelaneyso Fulinta Mashaariicdan Dowlada Ethiopia, waana arrin ugub ah oo aan horey u dhicin in Ethiopia ay ka qeyb qaadato Mashaariicda Horumarineeda ee Geyiga Soomaaliya.

Dadka yaqaan hab-dhaqanka siyaasiyiinta reer Puntland waxay talaabadan ku sifeeyeen mid lagu garbin ama lagu xagal-daacin  madaxweyne Farmaayo suurtaglna maaha in ay Ethiopia mashaaciic waawayn oo sidan oo kale ah ka fuliso dhulka Soomaaliya ee ay 25 sanno nabad iyo naruuro u diiday.