Akhriso: Qoraal uu Jawaari u diray Ra’iisal Wasaaraha ugana codsaday inuu dib u eego Golaha Wasiirada
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaliyeed Maxamed Cismaan jawaari ayaa qoraal uu u direy ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre waxa uu kula taliyay in uu dib ugu laabto golihiisa wasiirada kahor inta aysan ka dhamaan xilliga la horgeynayo Baarlamaanka.
Qoraalka uu u direy guddoomiyaha baarlamaanka ra’iisal wasaare Kheyre oo nuqul ka mid ah soo gaadhay war baahinta ayaa waxaa ku lifaaqan qoraal ay 104 xildhibaan u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka kuwaasoo ku dhaliilay ra’iial wasaare Kheyre inuusan raacin habka awood qeybsiga ee 4.5.
Halkan ka aqriso qoraalka uu Guddoomiye Jawaari u direy Ra’iisal wasaare Kheyre.