Akhris wanaagsan gabay lagu Magacaabay DARXUMO oo sida la sheegey kalida ka taabtay Cabdi-Xakim Cumar Cigaal.

 

DARXUMO
Ogaw darajada aad hayso
Dadkaagaa kuugu deeqay
Dantooda inaad u daasho
Kii taag daran daadahayso
Agoomaha aad daryeesho
Duqaydiyo kooga daalan
Dushaada inaad ku qaado
Duruufaha maanta jooga
Abaaraha diifta reebay
Dad iyo duunyaba asiibay
inuu daah kaa dul saarmo
inaabad dareemi waydo
Dibbiro aad jiifsan waydo
Dunida aad dulundulcayso
Diyaarada aad ku gooshto
Dareenkaa muu ku siiyay !!!
Cadaawaha daarahaaga
Ku duulay dhulkaaga hooyo
Bankii hooyaale doonay
inay ku daraan dhulkooga
Dhulkuu dhiig badan u daatay
Dhulkii dirir lagu xoreeyay
Inaad heerimaad dulgayso
Cadaawaha deeq u siiso
Oo aad qalinka ugu duugto
Dareenkaa muu ku siiyay !!!
Ragaa toodii daryeelay
Dhulkoogana dawyadiisa
Dakadihii wada dillaacshay
Adeega dadwaynahooda
Daryeelkoodii asteeyay
Dadkaagana aan u jeedin
inay u daraan xaqooga
Inaad daacad u ahaato
Afkaagana aad doboosho
Dareenkaa muu ku siiyay !!!
Darxumadaa aad la jiifto
Hadaad waxba doorsan waydo
Dadkaaga u doodi waydo
Xaqooga u dooni waydo
Dubkuun ha inaga dhexeeyo
Dadkaygana daaimkooda
ilaahay deeqihiisa
Daruura dhulkooda gaadha
Dad iyo duunyadaba deeqa
iyaa daranayada ka saari
Mid daadihiyoo daryeela
Mid ina habar doobireed ah
Alla ugu deeqi dooni.