Kuwii Naftoodda u Huray Inay ka Xoreeyaan Geyiga Soomaaliyeed gumaysiga.

 

Waa arrin lama huraan ah,in ummadda Soomaliyeed,maskaxdooda had iyo jeer ku hayaan,
una duceeyaan kuwii u kacay inay ka xoreeyaan geyiga Soomaaliyeed gummaystayaashii
foosh-xumaa ee arliga Soomaaliyeed u qaybsaday shan Meelood,iskuguna keenaan calan
mid ah hoostiis. Halyayadas,waxaa ka mid ahaa,
Moxamuud  Xarbi Faarax,
Cabdullaahi Ciise Maxamuud,
Sheekh Bashiir,
Faarax Umaar,
Cali Bahdoon Barre,
Sheekh Maqtal Daahiir,
Moxamad Cabdille Xasaan,
iyo qaar kale oo badan.
Bal marka hore,maxay gummaystayaashu, u qabsadeen arliga Soomaaliyeed,oo ay afrikada
kale u qaybin waayeen?
Dadka taarikhida rogroga,waxa ay sheegaan,in dadka Soomaliyeed ahaayeen
dad waxyaabo fara badan kaga duwan ummadda kale ee afrikanka ah,oo aanan la gummaysan
karin,haddii aan iyaga la kala qaybina,ay  iyagu gummaysan karan afrikada kale,sidasna waxa
ay ku ogaadeen dal- mareedyadii ay u soo dirsadeen ee u ka mid ahaa,Richard Burton,ee wax
badan ka qoray soomalida. Waxa kale,oo gummaystayaashu, ogaadeen in ummadda soo/liyeed
oo muslimeen ahaa, dhulka soomaliyeed la keeni karin diinta masiixiga ah.
Haddii si gaar ah aan u soo qaato,ilaahay Naxriistiisa ha siiyee,Cabdullaahi Ciise Mox/du wuxuu ahaa ninkii u horseedeay inay Konfurtii Somalia ka xorowdo gummaysigii Talyaniga 1960-kii
i,lana midawday dalkii la odhan jiray Birtish Somaliland,isla 1960-kii,noqdeena Somali Republic..
Aan ku soo daro,Moxamud Xarbi Faarax,oo u dhashay dalka Jabuuti,wuxuu ahaa ninkii,xisbi
xornimo-doona ah ka asaasay Jabuuti 1948-dii,kasoo ku qasbay gummaysigii Faransiiska inuu
wax ka bedelo siyaasadiisi u ku maamulayey Jabuuti, isaga oo ogolaaday xisbiyo siyaasadeed inay
ka abuurmaan Jabuuti. M.Moxamud Xarbi oo siyaasadiisu ahayd in shanta soomaliyeed la iskugu
keeno calan qudh ah,taasoo  ahayd sobobta aakhirkii ay gummaystuhu u dileen.hase yeeshee,
abuurkii u ka tegay ayay Jabuuti kaga xorowday gummaysigii Faransiiska 1977-dii
Qore:Warsame.