Reer Salal cidda aad uga dacwoonaysan dhibaatadda idin haysata waa kuwee?

 

Ma ah,wax idinku cusub,in qof allaale qofkii idinka mid ah,ee ka hadla dhibaatooyinka maamulku ku
hayo gobolka Salal,inuu midhidha yar kadib lagu tuuro  Jeelka.,si argagixis ah. Suxuufi ha ahaado,
ama masuul mansab kale hayaba ha ahaatee, oo ka hadla boobka nuckasta le ee lagu hayo gobolka,
waxaa qasab ah in hawada laga qariyo.
Gobolka Salal,waxa allaale  wax dhibaato ah oo u ka badbaaday ma jirto, wax wanaag ah oo u ka
faa’iidayna ma jirto,waxaana loola dhaqma gobolka,si aad uga duwan goboladda kale ee dalka. Go’aanka
waxaa la gaadhay 2005-tii,waaxana go’aankas ku heshiiyey laba garab oo dano kala duwan ka le gobolka, hase yeeshee,ku heshiiyey inuu ahaado sida  hadda u yahay labadii garab ee dulmiga gobolka ku heshiiyey maanta midna u idinla caban midna waaka dhiig miiradka noqday.
Dhibaatooyinka lagula kacay gobolka Salal,haddii aan soo koobno waaa:
1-Gobolka waa kala qaybiyey oo degaan ka mid ah ayaa la sheegay in la raaciyey Borama.
    taaoo aan marna suurtagal noqonayn,
2-waxa degaanadii gobolka intoodii badnayd waxa la xayiray in wax la soo doorto,arrintas oo keentay
   xildhibaanadii u metali lahaa beesha Ciise ay ilaa hadda ka maqan yihiin golaha wakiiladda SL.
 3-in shacabka degan degaanadas aan kor ku soo sheegay,loo diiday inay isku diwaangeliyaan
    doorashooyinka la filayo in la qabto sankan aakhirkiisa
  4-in gobolka waligeeba aysan jirin wax mashaaric ah oo laga hirgeliyey
  5-in khayraadkii gobolka ilaahay ku mannaystay ee nuuc walba lahaa shacabku ka qatan yahay
      oo dad kale, si qaldan uga faa’iidaysanayaan.gaar ahaan ciidda dixda Bariisle oo loo daldalayo
      dal kale oo deris ah.Ciidas maalin walba waxa daldala  baabuur ka badan 100 baabuur  midkalstana
     qaadi karo in ka badan 60-tan tan oo cid ah.
      Waa la qiyaas kara,baabuurta intas leg ee xamuulka intas legna sida,maalin kaliya wadad ay
       maraan sida ay noqon karto. Cabashada  shacabka masaakiinta  ee iyaga xolohoodaba
      caafimad darradu ka soo gaadhay boodhka iyo siigada  ay baabuurtu kicinayso
      Mawaandinkii ka hadlayna wax loo taxaabay Jeelka, dembiga loo xidhayna waa ha ka hadlin.
      Sidas awgeed,kuwa aad leedihiin wax ka qabta,waa kuwa dhoofinaya ciida,si uga faa’idan.
      ee wixii aad ka badin weeydan yeela.
      Qore:Warsame