Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore oo u digay Xasan Cali Kheyre.

 

Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka digay wada shaqeyn la’aan dhexmari karta  xukuumadda Soomaaliya iyo sido kale xildhibaanada Golaha Shacabka Haddi sidda Hadda ay wax u socdaan lagu sii dhega adeygo oo ay xukumadu wax dhageysan waydo.

Mudane Boqore ayaa sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay in la tixgaliyo Cabashada ka imaanaysa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aadan Wasiirada cusub iyo awood qaybsiga oo xildhibaanku ku tilmmaamay mid gees ka raran oo ay beelaha qaarkood si gaar ah loogu xadgubay.

Xildhibaan Boqore ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre in uu tixgaliyo qeylo dhaanta kasoo yeedhaysa Baarlmaanka Soomaaliya.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo tiradoodu gaadhayso ilaa 105 mudane ayaa waxaa ay sheegeen in ay kasoo horjeedaan golaha Wasiirada cusub.