Waxaa Magaalada Addis Ababa lagu soo gaba gabeeyay kulan looga hadlayo bixitaanka Ciidamada AMISOM

 

Magaalada addis ababa ee xarunta dalka Ethopia waxaa lagu qabtay Kulan gaar ahaa oo ay ka qeyb galeen saraakiil ciidan oo ka kala socday dawladaha Soomaaliya, Maraykanka, Midawga Yurub iyo taliska AMISOM waxaana diirada lagu saaray diyaarinta sidii Ciidamada AMISOM ugu baxayaan Soomaliya marka la gaaro sanadka soo socda ee 2018-ka.

Wargeyska Daily Nation ee Kenya kasoo baxa ayaa qoray in kulankaan oo socday intii u dhaxaysay 20 illaa iyo 24-kii bishaan March ayna ka qeyb galeen 100 sargaal waxaa lagu soo bandhigay dhoolatus ciidan oo la xariira sida ay u baxayaan ciidamada Ciidamada Afrika AMISOM iyo sida ay kuwa Soomaaliya shaqada ula wareegayaan.

Waxaa sidoo kulanka aad loogu falaanqeeyay sidii Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed loo siin lahaa Tababar Ciidan si ay awood ugu yeeshaan la wareegitaanka Goobaha ay ka baxayaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Taliyaha taliska Maraykanka ee Africa Thomas Waldhauser ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka iyo kuwa AMISOM in muddo ah ay soo wadeen Howlgalka Soomaliya islamarkaana uu muuqdo daal aad u weyn kadib markii in muddo ah ay la dagaalamayeen dagaalyahada Xarakada Al-Shabaab isla markaana ay dhul badan ka saareen waxaana uu intaa ku daray in la joogo waqtigii ay haswshaan la wareegi lahaayeen ciidamada dawlada Soomaaliya.

Wakiilada AMISOM kulankaan u joogay waxay sheegay in ciidamada ka bixitaanka Soomaaliya ay bilaabayaan sanadka soo socda ee 2018 lana dhamaystiri doono marka la gaaro dhamaadka sanadka 2020-ka.

Sidoo kale waxaa kulan loogu hadlay caqabadaha ka hor imaan kara ciidamada Soomaaliya waxaana la isla soo qaatay in tababar ahaan iyo agab ahaanba ay diyaarsan yihiin hase ahaatee caqabada ugu weyn ee heysata ay tahay musuq maasuqa madaxda dawlada iyo saraakiisha ciidamadaba ka dhex jirta sida uu qorayo Wargeyska Daily Nation.