Madaxweyne Faramaajo oo Dalka Urdun kaga qayb gelaya Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta.

 

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feederaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaadhay magaalada Cammaan ee dalka Urdun.

Madaxweynaha ayaa maanta oo Arbaca ah ka qeyb gali doona Shir Madaxeedka 28aad ee Jaamacadda Carabta, halkaas oo uu khudbad ka jeedin doono.

Waxaa kale oo jiri doona kulamo gaar gaar ah oo wafdiga Soomaaliya ay la yeelan doonaan qaar kamid ah wufuudda dowladaha Carbeed ee Shirka ka qeyb galaya.

Madaxweynaha  ayaa ku sii hakaday Garoonka Diyaaradaha ee Jabuuti, halkaas oo uu qadar 30 daqiiqo ah kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.

Diyaaradda waday wafdiga Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku hakatay magaalada Madiina Al Munawara inta aanay u duulin Boqortooyada Urdun.