War Deg Deg Ah:Beer Iyo Kalyo Looga Shakiyey Inay Yihiin Kuwo Dad Oo Maanta Duhurkii Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa+Sawiro

 

Iyada oo mudooyinkii ugu dambeeyey ay Maamulka Soomaliland ka jirtey arrin aad u naxdin badan oo ku saabsan in Hargeysa iyo magaalooyinka dalka ay jiraan dad ka ganacsada xubnaha Bini aadamka ayaa waxa maanta gudaha Magaalada Hargeysa lagu qabtey dad sita qaybo ka mid ah waxyaalo looga shakiyey in ay yihiin xubanha Bini aadamka kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Beer iyo Kalyo aad u badan laguna soo gurey talaagadaha wax qaboojiya taasi oo la qabtey xili laga dajiyey gaadhigii ay saarnaayeen lana saarayay Kaaryoone.

Dhacdadan aragagaxa leh oo maanta duhurkii Hargeysa ka dhacday ayaa dhacday  xili madaxwayne Siilaanyo ku soo laabanayay Magaalada Hargeysa isla markaana ay gabi ahaanba wadooyinka Caasimadu xidhnaayeen iyada oo goobta lagu qabtayna ay ahayd Wadada cusub ee loo sameeyey ciidanka damdamiska inta u dhaxaysa xarunta ciidanka ilaa iyo Hudheelka loo yaqaan Cali Jirde ee ay leedahay marwada Madaxwaynaha marwo Aamina Waris.

Arintan oo layaab ku noqotey bulshada caasimada Hargeysa ayaa waxa qabtey bulshada ka dib markii ay kaaryoonihii lagu sidey xubnahani ay ka dhacday mid ka mid ah Talagadihii  intaasi ka dibna ay daateen Wixii ku jirey oo ahaa Beer iyo Kalyo waxaana bulshadii goobtaasi ku sugnayd ay markii arkeen Kalyahan iyo beerkan ay muran badan ka dhex dhalisay Dadkii goob jooga ahaa.,

Kalyahan iyo beerkan ayaa waxa sitey oo kaaryoonaha u kireystey nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Koonfurta Somaliya iyada oo ugu dambayn dadkii u gudbiyeen ciidanka boolis ilaa haatana ay baadhis ku wadaan.

Ciidamada Booliska oo aan wax ka waydiinayay ayaa ka gabsaday in ay faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan dhacdadan.

 

1 4 3 2