BAHDILAAD: DAL YURUB AH oo Ka dambeeyay In La xaliyo Khilaafkii Jawaari & Kheyre & Qorshaha dalkaas oo hallis ku ah Soomaaliya.

Ilo wareedyo Muhiim ah ayaa sheegaya in khilaafkii ka dhashay dhismaha Xukuumadda cusub ee u dhaxeeyay afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ay xalisay Dowladda Norway oo saameyn ku leh arrimaha soomaaliya iyo muranka badda Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo inta badan lagu eedeeyo inaysan dhexdhaxaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya oo la sheego inay dano shidaal ka leedahay isla markaana kenya gacan ku siinaysa goobta shirkadaha shidaalka baara kenya qandaraaska ku siisay.

Norway oo sidoo kale shaqaalaha rayidka ee Dowladda Feederaalka siiso mushaarka sidoo kalena bixiso qarashka ku baxaya dhismaha xarunta cusub ee laanta socdaalka Soomaaliya ee dhawaan la dhagax dhigay ayaa si hoose u xalisay muranka labada nin ee haysta dhalashada dalkaas.

Ka hor intii uusan Jawaari bedelin mowqifkiisa ku aadana xukuumadda cusub ayaa xubno ka socda Norway waxay si toos ah ula hadleen labada nin oo ay ku qasbeen inay ka heshiiyan waxyaabaha soo dhexgalay taas oo markii dambe xal laga gaadhay.

Jawaari iyo kheyre ayaa ku heshiiyay in xilli dhow Golaha Wasiirada lagu soo daro rag siyaasad ahaan ku xiran Jawaari iyo arrimo kale oo Saraakiisha Ciidamada iyo safiirada ka mid ah.

Meelaha Jawaari sida weyn u doonayo in rag isaga wata Safiir loogu magacabo waxaa ka mid ah dalka Turkiga.

 

Madaxda Soomaalida marka ay is qabtaan waa ay adag tahay in iyaga dhexdooda ka heshiiyan khilaafka hase yeeshe marka dal shisheeye soo farageliyo si deg deg ah ayay arrimahooda u soo afjaraan.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Norway si xoogan ugu dhex jirtay labadii maalmood aynu soo dhaafnay xalinta khilaafka Jawaari iyo Xasan kheyre.

Waxyaabaha Jawaari ka sheeganayay inuu kala kacay Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre ayaa waxaa ka mid ahaa inuu diiday in xubin isaga si gaar ah u watay Wasiir loogu magacabo xubintaas oo ahayd Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya Mr Fargeeti.

Si kastaba Norway ayaa isku qasbaysa labada nin in si dhow oo macquul ah u wada shaqeeyan, Taas oo keentay in Jawaari wax ka bedelo mowqifkii uu ka taagnaa Golaha wasiirada isla markaana uu ka laabtay go’aankii uu Xukuumadda ku diidanaa isagoo shalay ilaa iyo xalay kala furfuray xubnihii mucaaradka ahaa ee isaga hogaaminayay kadib heshiis siyaasadeed oo dhacay.

Shalay oo Arbaco ahaydna waxaa la ansaxiixay Xukuumadda iyadoo heshay tiro ka badan intii la filayay.