Reer Salal saw kama daalaan cabasho,aan waxba looga qabanayn.

 

Reer Salal,waxa ay hayaan cabasho iyo cadtaw aanan dhammaanayn,oo noqotay maqali jiray
iyo dhegaysan jiray ee ha  u jawaabin. Abwaan hore ayaa yidhi,dul iyo hoosba waan u dhigayee ee
waa dix dhakaxeede,dadkan la hadlaya Baan lahayn dux iyo iimaane,anuba damqanee dhegouhu
uma daloolaane,bal inay dalfoof tahay qalbiga dooni laga saaray,wixii horu dilay ayay degashanaysa.
Sobobta gobolka Salal u noqday meel khayraadkiisa  bad iyo beriba la boobayo,wali ma isweydiiseen
haddii aad tihiin shacabka reer  Salal. Goboladda Saaxil iyo Sanaag wax ay leeyihiin baddo,iyo beriba
khayraadku ka buuxo,maxaa loo boobi waayay iyaga khayraadkooda.
Lama boobi karo iyaga khayraadkoodda,waayo,wax golayaasha ugu jira dad ay soo doorteen. oo
u soo jeeda ilaalinta danahooda,idinkana la iniima ogolo inaad  soo doortaan  wax idin  metela
golayaasha  iyo inaad isdiwaanglisanba.
Wali addunyadda laguma arak shaqsi lug ah oo wadani ah oo raba inuu ka soo danaysto meel u jirta in ka yar 20-tan km oo marku sii socdana lagu yidha bixi canshuur ah 31/-doolar,marku soo laabtana
31/- doolar oo kale bixi,canshuurta caynkas ah oo ku kooban kaliya kastamaka Lawyacade.
Caddaan buu u ogyahay maamulku dhibaatada,ay ku hayaan baabuurta waaweyn ee ciidda ka
guraya dixda Bariile  ee u daldalaya dal jaarka ah ee Jabuuti,dad degaanka iyo duunyadoodba,
hase yeeshee,badbaadadda dad iyo dunyadoodda,waxa ka mihiimsan danaha ay iyago ka helayaan.
 Shacabka xorta ah,markay la soo gudbonadaan dhibaato caynkas ah,way ka banaabaxaan.,si looga
joojiyo dhibatadas,waan arrin dastuuri ah.
Qore:Warsame